Hogaamiyaha cusub ee xisbiga M ee Ulf Kristerssoon.
Hogaamiyaha cusub ee xisbiga M ee Ulf Kristerssoon. sawir: Janerik Henriksson/TT

Ulf Kristersson oo si rasmi ah loogu doortey hogaanka xisbiga (M)

Ulf Kristersson oo si rasmi ah loogu doortey hogaanka xisbiga Modaraad-ka.
1:30 min

Xisbiga Moderaad-ka ayaa si rasmi ah gudoomiye ugu doortey Ulf Kristersson kaas oo badali doona hogaamiyihii hore ee xisbigaas Anna Kinberg Batra oo jagadaas horey isaga casishey.

Ulf Kristersson ayaa khudbad uu jeediyey markii jagadaas loo doortey wuxuu ku sheegey in uu xoogga saari doono sidii uu mar labaad u mideyn laha isabeysiga xisbiyada Alliansen-siga.

-Ka hor doorashada dalkaan ka dhici doonta sanadka soo socda waxaan awoodda saari doonaa sidii aan u soo dhisi laheyn dawlada ka wada kooban xisbiyada Alliansi-ga. Waxaan rabaa in aan xisbiyadaas iskaashi buuxa la sameeyo maadaama waxyaala badan aanu wadaagno, ayuu yiri Ulf Kristersson.

Xisbiga Modaraad-ka ayaa shirkooda ay magaalada Stockholm ku qabsadeen waxay ku doorteen hogaamiye cusub.

Xubnaha xisbiga ayaa raja weyn ka muujiyey khudbaddii uu hogaamiyaha cusub ee xisbigoodu Ulf Kristersson goobtaas ka jeediyey, waxayna rajeynayaan in xisbigoodu dib u hanto taageerayaal badan oo xisbiga Modaraad-ku lumiyey muddooyinkii danbe.

Xisbiyada Alliansi-ga ayaa ka kooban afar xisbi oo kala ah xisbiga Moderaad-ka, xisbiga Center-ka, Libaraal-ka iyo  Kristdemoquraadi-ga.

Xisbiga Modaraad-ka ayaa ah xisbiga labaad ee xildhibaanada ugu badan ku leh baarlamaanka dalkan Sweden, wuxuuna marar badan soo qabtey hogaanka sare ee dawladda Sweden.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".