Dadka Sámiga ah oo ka mid ah dadyowga laga tirada badan yahay ee dalkan Iswiidhan.
Dadka Sámiga ah oo ka mid ah dadyowga laga tirada badan yahay ee dalkan Iswiidhan. sawir: Fernando Vergara

Abaalmarinta Nobel ee fisikiska oo 3 caalim ay ku guuleysteen

3 Caalim oo wadar ahaan ugu guuleystey Nobelka fisikiska 2017-ka.
2:13 min

Abaalmarinta Nobel ee dhanka Fiisikada ayaa sanadkaan 2017-ka waxaa si wadajir ah ugu guuleystey saddex caalim oo lagu kala magacaabo Rainer Weiss, Barry C. Barish iyo Kip S. Thorne.

Akadamiyada cilmiga Sweden ayaa sheegtey in saddexdaas caalim ay abaalmarintaas ku muteysteen cilmi baaristoodii la xiriirtey u kuurgalka hirarka cuf soo jiidashada.

Saddexdaan aqoonyahan ayaa waxay dhammaantood u dhasheen dalka Mareykanka, inkastoo Dr Rainer Weiss uu asal ahaan ka soo jeedo dalka Jarmalka.

Dr Rainer Weiss ayaa qiima ahaan abaalmarintan kala bar ku guuleystey, meesha labada caalim oo kale  Barry C. Barish iyo  Kip S. Thorne ay nuska kale ee abaalmarintaas kala qeybsan doonaan.

Habka cuf soo jiidadka adduunka ayaa boqol sanno ka hor waxaa odorosey caalimkii weynaa ee Albert Einstein, balse waxaa markii ugu horeysey qiyaastiisa la ogaadey sanadkii 2015-kii.

Rainer Weiss wuxuu ka hawlgalaa Massachusetts Institute of Technology (MIT) oo ku yaal magaalada Boston ee carriga Mareykanka, meesha Barry Barish iyo Kip Thorne ay labaduba ka hawlgalaan California Institute of Technology oo ku yaala magaalada Pasadena.

Baaritaankaan lagu ogaadey qaabka hirarka cuf soo jiidadka adduunka, ayaa waxaa badankiisa lagu fuliyey xarun cilmi baarineed oo lagu magacaabo LIGO taas oo ku taala carriga dalka Mareykanka.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".