Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Ulf Kristersson (M) oo magacaabey hogaanka sare ee xisbigiisa

La daabacay tisdag 3 oktober 2017 kl 14.30
Hogaamiyaha xisbiga M ee Ulf Kristersson.
Hogaamiyaha xisbiga M ee Ulf Kristersson. sawir: Stina Stjernkvist/TT

Hogaamiyaha xisbiga Modaraad-ka Ulf Kristersson ayaa maanta soo bandhigey madaxda sare ee xisbigaas ee xarunta dhexee xisbiga iyo baarlamaanka intaba.

1- Elisabeth Svantesson ayaa noqotey afhayeenka xisbiga Modaraad-ka u qaabilsan arrimaha dhaqalaha, jagadaanina waa tii horey uu u heyn jirey  Ulf Kristersson ka hor intaan loo dooran hogaamiyaha xisbiga.

2- Jessica Polfjärd ayaa noqotey madaxa cusub ee gola hoosaadka dhanka suuqa shaqada u qaabilsan baarlamaanka Sweden , isla markaana ah afhayeenka xisbiga Modaraad-ka u qaabilsan arrimaha suuqa shaqada.

3- Tobias Billström ayaa noqdey hogaamiyaha cusub ee xildhibaanada xisbiga Modaraad-ka ugu jira baarlamaanka dalkaan Sweden.

4- Anders Edholm ayaa isna dib wuxuu ugu soo noqdey jagadiisii hore oo aheyd kaaliyaha xogheynta xisbiga.

5- Gunnar Strömmer oo noqdey madaxa ururka dhallinyarada xisbiga Modaraad-ka ee Muf, isla markaana noqdey xoghayaha xisbiga Modaraad-ka.

Gunnar Strömmer ayaa ah qareen,xubin  ka ah golaha sare ee maamulka xisbiga Modaraad-ka.

Hogaamiyaha  cusub ee loo magacaabey madaxa xildhibaanada xisbiga Modaraad-ka ugu jira baarlamaanka Sweden ayaa wuxuu ilaa hadda ahaa ku xigeenka koowaad ee afhayeenka baarlamaanka Sweden , wuxuuna xilli hore wasiirka socdaalka ka soo noqdey dawladdii hore ee ay wadaaga ku ahaayeen xisbiyada Alliansen.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".