Abaalmarinta biladda Nobel ee kemistriga waxaa kala qeeybsanaya Jacques Dubochet, Joachim Frank iyo Richard Henderson.
Abaalmarinta biladda Nobel ee kemistriga waxaa kala qeeybsanaya Jacques Dubochet, Joachim Frank iyo Richard Henderson. sawir: Claudio Bresciani/TT

Saddex caalim oo si wadajir ah ugu guuleystey Nobel-ka kimikada 2017

Saddex caalim oo wadajir u heley abaalmarinta Nobelka kimikada 2017.
2:24 min

Abaalmarinta Nobelpris-ka sanadkaan ee dhanka kiimikada ayaa ayaa waxaa si wadajir ah ugu guuleystey saddex caalim.

Saddexdaan caalim ee abaalmarintaas qiimaha leh ku guuleystey ayaa kala ah Jacques Dubochet, Joachim Frank iyo Richard Henderson.

Jacques Dubochet ayaa u dhashey dalka Swizerland, Joachim Frank ayaa isna heysta dhalashada dalka Mareykanka inkastoo uu asal ahaan u dhashey dalka Jarmalka, Richard Henderson ayaa isna u dhashey Scotland oo ah mid ka mid ah maamul goboleedyada boqortooyada Britain.

Akadamiyada cilmiga Sweden ayaa sheegtey in saddexdaas caalim ay abaalmarintaas ku muteysteen cilmi baaristoodii ay ku soo saareen farsamo la xiriirta weyneysada qabow oo sahashey in sawiro laga qaado qeybaha yar yar ee molekiyuulka (waa waxa ugu yar ee ay ka sameysan tahay maadada kiimikadu).

Akadamiyadda cilmiga Sweden ayaa sheegtey in baaritaanka culimadaani uu bog cusub oo muhiim ah u furey cilmiga kiimikada.

Jacques Dubochet ayaa ka hawlgala jaamacadda Lausanne ee dalka Switzerland, Joachim Frank ayaa isna ka hawlgala jaamacadda Columbia ee magaalada New York, meesha caalimka saddexaad ee Richard Henderson uu ka hawlgalo sheybaarka MRC ee jaamacadda Cambridge ee carriga boqortooyada Britain.

Abaalmarintaan Nobel-ka ee dhanka kiimikada ayaa ah tii tii saddexaad ee ilaa hadda sanadkaan la bixiyey, waxaana qofka ama kooxda abaalmarintaan ku guuleysata la siinayaa lacag abaalmarin ah oo dhan 9 milyan oo karoon.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".