Hogaamiyaha xisbiga C ee Annie Lööf.
Hogaamiyaha xisbiga C ee Annie Lööf. sawir: Anders Wiklund/TT

Xisbiga (C) oo miisaaniyaddiisa soo bandhigey

Xisbiga Centerka (C) ayaa maanta soo bandhigey miisaaniyaddii uu dalkaan Sweden ku maamuli lahaa haddii uu xukunka dalkaan heyn lahaa.

Hogaamiyaha xisbiga Center-ka Annie Lööf oo miisaaniyaddaas soo bandhigtey ayaa waxaa qodobada ugu muhiimsan ka mid ah :

  • 11,7 bilyan oo karoon in sanadka soo socda uu xisbigu galinayo si dad badani suuqa shaqada u soo galaan, Annie Lööf ayaa sheegtey in ujeedada arrinkaas ay ka leeyihiin tahay sidii ay u joojin lahaayeen faquuqa dalkaan Sweden ka jira.
  • Xisbiga Center-ka ayaa sidoo kale raba in uu canshuur dhan 8,4 bilyan oo karoon ka dhimo dadka mushaarada hoose qaata .
  • Gaadiidka tareenada ayuu xisbigu sanadka soo socda rabaa in uu ku maalgaliyo 1 bilyan oo karoon.
  • Xisbiga (C) ayaa raba in ciidamada booliiska uu u qoondeeyo lacag dheeraad ah oo dhan 1,7 bilyan oo karoon.
  • 1,1 bilyan oo karoon ayaa xisbigu rabaa in uu ka dhimo canshuuraha laga qaado shaqa bixiyayaasha markii ay markii ugu horeysey qof cusub shaqaaleysiinayaan .
  • Xisbiga ayaa 7 bilyan oo karoon u qoondeeyey degmooyinka dalkaan, meesha taas badalkeeda ay dawladdu degmooyinka dalkaan u qoondeysey 10 bilyan oo karoon.
  • Hal bilyan oo karoon oo dheeraad ah ayaa xisbigu galinayaa daryeelka caafimaadka , 300 malyan oo lacagtaas ka mid ah ayaa xisbigu rabaa in uu u qoondeeyo in daryeel gaar ah loogu sameeyo caruuraha iyo dhallaanka cudurada dhanka maskaxda la xiriira qaba.
  • Maxkamadaha iyo caddaalada ayaa xisbiga Center-ku rabaa in uu galiyo lacag saddex bilyan oo karoon ka badan inta ay dawladdu dhankaas u qoondeysey.
Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".