Xafiiska shaqada ee Arbetsförmedlingen.
Xafiiska shaqada ee Arbetsförmedlingen. sawir: Emma-Sofia Olsson/SvD/TT

Aqoonyahano qaatey shaqadii loogu tala galey kuwa aqoonta hoose

Shaqooyin loogu talagaley dad aqoontoodu hooseyso oo la kuwa aqoon sare leh.
1:54 min

Ka dib markii dawladdu ay xooga saartey sidii shaqooyin sahlan loogu abuuri lahaa dadyowga ay ku adag tahay aqoon ahaan in ay suuqa shaqada galaan, ayaa shaqooyinkaas badankooda waxaa la siiyey dad waxbarashadoodu sareyso.

Warbixintaan  cusub oo uu soo saarey xafiiska qaranku (Statskontoret) oo ah xarun baaritaano iyo dabagal ku sameysa hey’adaha kala duwan ee dalkaan.

Warbixintaan ayaa ah tii ugu horeysey ee arrinkaan lagu sameeyo, waxaana lagu ogaadey in dadka shaqooyinkas heley saddex qeybood markii loo qeybiyo , laba qeybood ahaan dadkii shaqooyinkaas la siiyey ay lahaayeen waxbarasho heer jaamici ah, saddex meeloodna ay waxbarasho heer dugsi sare ah lahaayeen.

Maria Karanta waa baare ka hawlgasha xafiiska qaranka (Statskontoret)

-Arrinkaani waa wax lala yaabo maadaama shaqooyinkaani yihiin kuwa aad u sahlan, ayey tiri Maria Karanta.

Wasiirka suuqa shaqada Ylva Johansson ayaa iyadoo arrinkaan ka hadleysa waxay tiri:

- Arrinkaani waa mid aan waafaqsaneyn ujeedadii hawshaas laga lahaa, waxaana shaqooyinkaas loogu talagaley dadka suuqa shaqada dhexgalkiisa dhib weyni ka heysato waana shaqooyin lagu saleeyey in qofka qabanaya aan looga baahneyn in uu waxbarasho heer dugsi sare ah leeyahay, waxaanuna arrinkaan kala hadli doonaa hey’adaha ay khuseyso, ayey tiri Wasiirka suuqa shaqadu Ylva Johansson.

Hawlgalkaan shaqooyinka lagu siinayo dadyowga suuqa shaqada ay galitaankiisa dhibi ka heysato ayaa ku wajahanaa dadkii dhawaanahaan dalkan Sweden soo galey iyo dadka xubnaha qaarkood curyaanka ka ah oo ay ku adag tahay in ay suuqa shaqada dhexgalaan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".