Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

SD oo joojinaya kharashaadka ku baxa soogalootiga cusub

La daabacay onsdag 4 oktober 2017 kl 16.34
Sverigedemokraternas Oscar Sjöstedt, ekonomisk-politisk talesperson. FotoAlexander Larsson Vierth/TT
Afhayeenka dhaqaalaha xisbiga Sverigedemokraternas Oscar Sjöstedt. FotoAlexander Larsson Vierth/TT

Xisbiga Sverigedemokrati-ga ayaa sheegey in ay canshuuraha ka dhimayaan dadka dakhligoodu hooseeyo iyo dadka hawlgabka ah.

Xisbiga SD ayaa maanta soo bandhigey miisaaniyaddii uu dalkaan ku dhaqi lahaa haddii xisbigoodu talada xukunka dalkaan heyn lahaa.

Xisbiga SD ayaa sheegey in ay yareyn lahayeen safafka loo galo xarumaha caafimaadka dalkaan.

Xisbigaas SD ayaa sidoo kale baabi’in lahaa lacagta la galiyo dadka dalkaan dhawaanahan yimidi sidii ay dalkan ula qabsan lahaayeen dhanka shaqada iyo waxbarashada labadaba, maadaama taasi wax mira ah aysan dhaleyn sida xisbigaasi qabo.

Xisbiga Sverigedemokrati-ga  ayaa sidoo kale raba in sanadka soo socda 30 bilyan oo karoon laga  jiro lacagaha lagu bixiyo is-dhegalka iyo dadka soo galootiga ah.

Xisbiga SD ayaa sidoo kale raba in 10 bilyan oo karoon uu ka jaro miisaaniyadda xafiiska shaqada ee dalkan, 11 milyan oo karoona canshuur ahaan uu ugu siyaadiyo canshuurta makhaayadaha dalkan laga qaado.

Lacagahaas ayaa xisbigu u isticmaali doonaa badalka canshuurta uu ka dhimey dadka dakhligoodu hooseeyo iyo waliba dhimitaanka safafka loogu jiro rugaha caafimaadka.

Xisbiga SD ayaa sidoo kale raba in ciidamada booliiska dalkaan lagu kordhiyo ilaa iyo 7 000 oo askari.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".