Bob Dylan fick fjolårets Nobelpris i litteratur. Vem står på tur?
Bob Dylan oo ku guuleeystay biladda Nobeelka suugaanta ee sannadkii 2016. Yaa sannadka nasiib u yeelaan doona? sawir: TT

Biladda suugaanta ee Nobeelka

Ma dhici kartaa inuu Nurradin Farah ku guuleeysto?
2:39 min

Yaa ku guuley-san doona biladda Nobelka suugaanta ee sannadka 2017?

Sannadka ayaa ka duwan sannadihii hore kolka laga hadleyo biladda nobeelka ee suugaanta iyo cidda ku guuleey-san doonta, maadaama sida loogu mashquul-san yahay habka istaraatiijiyada akadeemiyadu u bixiso biladda, si la mid ah loogu mashquul-san yahay saadaalinta ciddii ku guuleey-san lahayd biladda nobeelka ee suugaanta. Hore ayay akadeemiyadu ugu tallaabsatay arrimmo loo hadal hayey. Labadii sannadood ee ugu dambeeyeyna abaal-marintaa lagu guddoonsiiyey shakhsiyaad lagu ballaariyey fahamka suugaanta: Svetlana Aleksijevitj oo suugaanteedu salka ku hayso suugaan war-bixineed iyo Bob Dylan – gabay-yahan heesaha muusikada (ku heesa oo ku ciyaara muusikada gabay).

Ma dhici kartaa in sannadka abaal-marintan la guddoonsiiyo qoraa buugagta carruurta? Ama qoraa aflaanta ama saxaafadda Tv-ga wax u qora?

Mise waxaa dhici karta jiilka oo is bedela? Qoraayadda nayjeeriyaanka Chimamanda Ngozie Adichie. Karl-Ove Knausgård. Michel Houellebecq. Marie N’Diaye? Gabadhaasina oo qortay buugagta sheekooyinka, kuwa carruurta iyo qoraallada masraxyada (daraama).

Hase yeeshee midda ugu macquul-san waxay noqon kartaa in awoodda xoriyadda ee akadeemiyadu intaa ka sii ballaarto oo iyadoo aan laga fekerin wax istaraateejiyad ah lagu abaal-mariyo biladda cid ka mid ah shakhsiyaadka ugu cad cad ee la maleeyneyo iney ku guuleeystaan biladda nobeelka ee suugaanta.

Tusaale ahaan:

Adonis… Amos Oz… Ngũgĩ wa Thiong’o… Ko Un… Joyce Carol Oates… Claudio Magris… Les Murray… David Grossman… Philip Roth… Nawal el Sadawi… Peter Handke… Don DeLillo… César Aira…

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".