Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Xisbiga Modaraadka oo soo bandhigay miisaaniyadiisa 2018

La daabacay torsdag 5 oktober 2017 kl 10.34
Xisbiga Modaraad-ka oo soo bandhigey miisaaniyaddiisa 2018-ka.
1:33 min
Ulf Kristersson och Elisabeth Svantesson.FotoAlexander Larsson Vierth/TT
Hogaamiyaha xisbia (M) Ulf Kristersson och afhayeenka xisbia M ee dhanka dhaqaalaha Elisabeth Svantesson.FotoAlexander Larsson Vierth/TT

Xisbiga Modaraad-ka (M) ayaa soo bandhigey miisaaniyaddiisa uu dalkan ku maamuli lahaa 2018-ka haddii xisbigaasi maanta uu heyn lahaa hogaanka dawladda Sweden.

Xisbiga ayaa raba in uu canshuurta ka dhimo shaqaalaha  sidoo kalena uu soo koobo muddooyinka safafka loo galo rugaha caafimaadka ee dalkan.

Xisbiga M ayaa lacag dhan 19 bilyan oo karoon wuxuu ku maalgalin doonaa si uu u yareeyo safafka dheer ee loo galo sugitaanka adeega rugaha caafimaadka.

Xisbiga Modaraad-ka ayaa sidoo kale raba in si foojignaan leh loogu sii diyaargaroobo mustaqbalka in dhaqaalaha dalkaan oo hadda heer fiican maraya, iyadoona ay soo foodsaari karto dhibaatooyin dhaqaale oo ragaadiya ama wiiqa.

Xisbiga Modaraad-ka ayaa raba in qoyskii laba qof oo shaqa buuxda heysta  ka kooban uu ka dhimo canshuur ilaa iyo kun karoon bishiiba.

Xisbiga M ayaa sheegey siyaasaddiisu tahay in dadka aan shaqeyn lagu guubaabiyo ama loo hago sidii ay shaqooyin u heli lahaayeen meeshii ay taas badalkeeda ka qaadan lahaayeen lacagta ceyrta ee dadka shaqa la’aanta ah la siiyo.

Xisbiga Modaraad-ka ayaa sidoo kale raba in canshuuraha ka dhimo dadka hawlgabka ah.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".