Arbetsmarknadsminister Ylva Johansson (S).
Wasiirka suuqa shaqada Ylva Johansson (S). sawir: Adam Ihse/TT

Soogalootigii degmooyinka la dajin lahaa oo hoos u dhacey

Hoos u dhac ku yimid soogalootigii degmooyinka dalkan la dajin lahaa.
1:46 min

Tirada soo galootiga cusub ee sanadka soo socda 2018 lagu meeleyn lahaa degmooyinka kala duwan ee Sweden ayaa aad hoos ugu dhacdey.

Maanta ayay dawladda dalkaani go’aan ka gaari doontaa tirada soogalootiga cusub ee degmo walba lagu meeleynayo.

Sanadkii 2016-kii ayaa dalkan waxaa ka soo baxey sharci degmooyinka dalkaan khasab uga dhigaya in ay qaataan qeybo ka mid ah dadka soo galootiga ah ee dalkaan ku cusub, isla markaasna dalkaan ka heley sharciga deganaashaha.

Wasiirka suuqa shaqada Sweden Ylva Johansson ayaa iyadoo arrinkaan ka hadleysa waxay tiri:

- Waa fahansanahay in degmooyinka dalkan ay ku adag tahay in ay maareeyaan qaadashada dad badan oo soogalooti cusub ah, hadana sidaas oo ay tahay waxaan qabaa in dhammaan degmooyinka dalkaan ay dadkaas qaarkood qaataan, ayey tiri wasiirka suuqa shaqada Sweden Ylva Johansson.

Go’aanka kama danbeynta ah ee la xiriira cadadka tiro ee degmo walba ay saamiga u yeelan doonto ayaa waxaa iska leh maamulada heer gobol.

Wasiirka suuqa shaqada Sweden Ylva Johansson iyo mar kale:

- Sanadkaan waxaa degmooyinka kala duwan ee dalkaan lagu meeleeyey soogalooti dhan 23 600 oo qof meesha tiradaasi sanadka soo socda 2018 ay noqon doonto oo keliya 15 200, sida ay sheegtay wasiirka suuqa shaqada Sweden Ylva Johansson.

Dhibaatada ugu badan ee degmooyinka dalkan ka heysata meeleynta dadka cusub ee soogalootiga ah ayaa ah sidii ay ku heli lahaayeen deegaan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".