Maryan Artan iyo Ilhaan Cilmi ayaa dhigta fasalka sideedaad ee iskuulka Rinkeby magaalada Stockholm.
Maryan Artan iyo Ilhaan Cilmi ayaa dhigta fasalka sideedaad ee iskuulka Rinkeby magaalada Stockholm. sawir: Muna Ismaaciil/Sveriges Radio

Ardayda xaafada Rinkeby oo wax laga barayo Kasuo Ishiguro

Maryan Artan:"Aad ayaan u faraxsanahay"
1:07 min

Qaar ka mid ah caruuraha dhigta iskuulka xaafada Rinkeby ayaa maanta joogay goobti lagu shaacinayay guuleystaha biladda suugaanta ee Nobel oo sannadkan noqday Kasuo Ishiguro.

-Waxaan jeclaan lahaa in ay noqoto gabadh markan, ayey sheegtay Maryan Artan oo dhigata fasalka sideedaad ee iskuulka Rinkeby.

Ardayda iskuulka Rinkeby ayaa sannad walba wax laga baraa qoraaga ku guuleeysta biladda suugaanta, kan ayaa dabeetana booqasho ku taga iskuulkaas sida uu ula kulmo ardaydan. Waa dhaqan iskuulkan ka jiray ilaa 1988. Hoos ka dhageeyso barnaamij aan amuurahan ka soo diyaarinay.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".