Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Ka hor taga hubka nuukliyeerka oo lagu abaalmariyay biladda Nobel

La daabacay fredag 6 oktober 2017 kl 11.02
Ururka Ican oo ku guuleystey Noobelka nabadda ee sanadkan 2017-ka.
(2:06 min)
Abaal-marinta nobeelka
Nobelpriset

Biladda abaalmarinta Nobeelka ee dhinaka nabadda ayaa waxaa la siiyay ururka ICAN sidii ay wadamada adduunka ugu dhiirigeliyeen in la joojiyo hubka nukliyerka.

Golaha Noobeelka ee wadanka Norwey yaa sheegey in sababta ay ururka Ican ugu abalmariyeen biladdaas nobeelku ay tahay isagoo aad ugu hawlgaley sidii tooshka loogu ifin lahaa dhibatooyinka bani’aadanimo ee ka dhalan kara isticmaalka hubka nukliyarka iyo dawrkii lixaadka lahaa ee ururkaasi ka ciyaarey heshiis mumnuucidda hubkaas nukliyarka ku saabsan.

Berit Reiss-Andersen waa madaxa guddigga Nobeelka ee dalka Norwey , Waxayna hadalkeeda u dhigtey sidan markii ay ku dhawaaqeysey cidda sanadkaan ku guuleysatey biladda Noobeelka ee nadadda:

- Guddigga Nobeelka ee dalka Norwey waxay go’aamisey in biladda Noobeelka ee nabadda sanadkaan la siiyo ururka Ican (The International Campaign to Abolish Nuclear Weapons)  kaas oo aad ugu hawlgaley sidii tooshka loogu ifin lahaa dhibatooyinka bani’aadanimo ee ka dhalan kara isticmaalka hubka nukliyarka iyo dawrkii lixaadka lahaa ee ururkaasi ka ciyaarey heshiis la gaarey oo mumnuucidda hubkaas ku saabsan, ayey tiri Berit Reiss-Andersen oo ah madaxa guddigga Nobeelka ee dalka Norwey.

Abaalmarinta noobeelka ee dhanka dhaqaalaha ayaa ah tan kaliya oo ilaa hadda dhiman in lagu dhawaaqo bixinteeda , waxaana ciddii abaalmarintaas ku guuleysatey lagu dhawaaqi doonaa maalinta isniinta ah ee fooda inaku soo heysa.

Abaalmarinahaan Noobeelka ayaa dadkii ku guuleystey sanadkaan waxaa la gudoonsiin doonaa 10-ka bisha december ee soo socota xilligaas oo ku aadan markii uu geeriyoodey sanadkii 1896-dii Alfred Nobel oo isagu ahaa ninkii aasaasey abaalmarinahaas qiimaha leh.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".