Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Det brinner i en industrilokal. Giftig rök sprider sig österut mot Giraffens köpcentrum. Alla som befinner sig i området bör bege sig därifrån. Boende i området uppmanas att gå inomhus och stänga dörrar, fönster och ventilation. För mer information lyssna på Sveriges Radio P4 Kalmar.
(Publicerat idag kl 17.16)

Eliasson oo sharciga ilaalinta maclummaadka sirta khatar geliyay

La daabacay fredag 6 oktober 2017 kl 11.24
Ekot: Ciidanka amaanka qaranka waa uu u digay booliska.
(2:07 min)
Talliyaha boliska qaranka ee Dan Eliasson.
Talliyaha boliska qaranka ee Dan Eliasson. sawir: Emma-Sofia Olsson/SvD/TT

Hogaanka booliska dalkan, Dan Eliasson, waxaa uu baal maray sharciga ilaalinta macluumaadka sirta ah, inkasta oo ciidankan amaanka qaranka uga digay arrinkaas.

Laanta wararka ee Raadiyaha Sweden ayaa maanta faafisay warar cusub oo muujinaya in hogaanka ugu sareeya ee booliska dalkan, Dan Eliasson, uu qaatay go´aan ka hor imanaya sharciga, inkasta oo ciidanka amaanka qaranka uu uga digay arrinkaas.

Ciidamada amaanka qaranka ayaa lix bilood ka hor intii aanu Eliasson go´aamin in shirkad gaar loo leeyahay lagu wareejiyo macluumaad aan la marin hanaankii caadiga ahaa ee ilaalinta macluumaadka sir ah.

-Xaqiiqda ah in ciidanka amaanka qaranka u cadeeyey booliska billo yar uun ka hor in aanay sidan sameeyn karin, ka dibna uu Eliassson sameeyey wixii looga digay, waa caadeeyn cad oo tusaysa in boolisku ogaa sharcigan iyo sida loo maamulayo macuumaadka sirta ah. Sidan waxa yidhi Patrik Fältström och ka mid ah khabiirada amaanka IT ee laantan wararka ee raadiyaha Sweden wareeysatay.

Muddo bil ka hor ayey ahayd markii ugu horreysay ee wararkan soo shaacbaxeen, xiligaas oo laanta wararka ee raadiyaha Sweden soo bandhigtay in Dan Eliasson sharciga baal maray markii uu go´aamiyey in shirkad gaar loo leeyahay ay maareyso hanaanka lagu keeydiyo macluumaadka mushahaarada booliska.

Halkaas oo ay ku kaydsan yihiin macluumaad sir ah. Ciidanka amaanka qaranka ayaa sida caadiga ah aqbala nidaamka lagu keeydiyo macluumaadka sirta ah ee booliska, inta aan cid kale lagu wareejin. Laakiin markan Eliasson waxa uu go´aansaday in uu baal maryo sharcigan ilaalinta macuulaamdka sirta ah.

Laanta wararka ee raadiyaha Sweden waa ay iskudayeen in ay wareystaan Dan Eliasson, balse Eliasson wax wareysi ah kama bixinayo warkan. 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".