Lagboken (Sveriges Rikes lag 2017)
Buugga xeerka Sweden 2017. sawir: Anders Wiklund/TT

Nin soomaalida aflagaadeeyay oo lagu ridey ganaax 80 maalmood

Nin lagu qaaday dacwad isir nacayb ah
3:56 min

Xukun ganaax ah ee gaarsii-san 16 000 oo koron ayaa lagu oogay, siyaasi horay uga tir-sanaan jiray xisbiga Miljöpartiet (MP), laantiisa degmada Järfälla, kadib ceey iyo af-lagaado uu bishii luulyo ugu geeytay aaladda internet-ka boggiisa Facebook qowmiyadda soomaalida ee reer Sweden.

Fal-dembiyeedkan sababay xukunka ganaaxa ayuu bishii agoosto 11-keedii uu ninkan dacwad ka dhan ah ciidanka ammaanka uga gudbiyay Cawad Xirsi oo ey horay uga wada tir-sanaan jireen Xisbiga Miljöpartet. Isagoona sheegay inuu dareen wanaag-san ka qabo, isla-markaana ay middaasi tahay tallaabo muujineeyso inuu sharciga dalku shaqeeynayo.

Bishii luulyo ee sannadkan ayay ahayd kolkii uu ninkani oo horay ugu howl-geli jiray xog-haye siyaasdeed xisbiga Miljöparteiet laantiisa degmada Järfälla uu shaashadda Facebook ku qoray isaga oo ka faalloonayay kufsi ka dhacay nawaaxigaa:

”Ma ahan markii ugu horreeysay oo ey soomaaliyi geeysato dembi noocan ah dhalashaday doonaan ha haystaane, waayo baasaboorka aad heesataa ma hoggaamiyo cawradaada. Soomaalidu guud ahaan waa sidii buro kansar ee oogada ku taal.”

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".