Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Nidaam cusub oo lagu yareeyneyo baahida tarjubaannada

La daabacay fredag 6 oktober 2017 kl 16.30
Rättssal på Tingsrätten på Kungsholmen i Stockholm.
Hoolka maxkamadda degmada ee xaafadda Kungsholmen ee magaalada Stockholm. sawir: HENRIK MONTGOMERY

Maxkammadaha dalka Sweden ayaa ku tallaab-san doona nidaam cusub oo casri ah sidii loo dhimi lahaa baahida ballaaran ee loo qabo tarjubaannada (af-celiyaha), middaasi oo loo mareyo af-celin si toos ah u dhaceeysa (aan hakad lahayn) iyada oo aan goobta lagu sugneeyn.

Tarjubaan laga adeegsaday magaalada Luleå oo dhacda waqooyiga Sweden ayaa gelinka dambe loo isticmaali kari doonaa gobolka Skåne ee koonfurta Sweden iyada oo la adeegsaneyo aaladda video-ga. Maxkammadaha socdaalka ayaa noqon doona hayadaha ugu horreeya ee loo isticmaalo teknikadaa, sida ay sheegtay laanta wararka ee idaacadda la iska daawado SVT Nyheter ee magaalada Helsingborg.

-Tallaabadani ma noqon doonto mid buuxisa baahida tarjubaannada loo qabo oo dhan, hase yeeshee waxaa lagu rajo qabaa inay maxkammadaha siiso suurtagal ey ku heli karaan af-celiyeyaal saacaddii loo baahdo, sida uu sheegay Joakim Westerlund, ahna sarkaal ku howl-gala hor u marka hoowlaha ee wakaaladda maxkammadaha oo la hadlayay idaacadda.

Iminkaba way dhacdaa inuu tarjubaanku aaladda video-ga kaga qayb qaato howl, hase yeeshee aanay suurtagal ahayn mid si toos ah loogu tarjumayo. Waana midda sababta iney maxkammaduhu ka door bidaan inuu af-celiyuhu goob joog ku ahaado saldhigga maxkamadda.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".