Stefan Löfven (S), Gustav Fridolin (MP) och Jonas Sjöstedt (V) under partiledardebatten i SVT:s Agenda
1 av 2
Dooddii xalay ee SVT Agenda. Bidix Stefan Löfven (S), Gustav Fridolin (MP) iyo Jonas Sjöstedt (V) sawir: Sören Andersson/TT
från höger Ulf Kristersson (M), Annie Lööf (C), Jan Björklund (L) och Ebba Busch Thor (KD) under partiledardebatten i SVT:s Agenda
2 av 2
Dooddii xalay idaacadda SVT. Midig Ulf Kristersson (M), Annie Lööf (C), Jan Björklund (L) iyo Ebba Busch Thor (KD) sawir: Sören Andersson/TT

Hoggaamiyeyaasha xisbiyada dalka oo xalay ey doodi dhexmartay

Dood kulul oo xaley dhexmartey hogaamiyayaasha xisbiyada dalkan.
5:12 min

Hoggaamiyeyaasha xisbiyada dalka oo xalay ey doodi dhexmartay iyadoo doorashada guud ee dalkaan ay imminka ka harsan tahay muddo wax yar ka yar hal sano.

Hogaamiyaha cusub ee xisbiga Modaraad-ka Ulf Kristersson ayaa dooddiisa ku bilaabey weerar uu ku qaadey reysal wasaaraha Sweden Stefan Löfven iyo dawladdiisa, wuxuuna farta ku fiiqey farqiga dabaqadeed ee dalkaan Sweden ku sii xoogeysanaya, waxaana ereyadiisa ka mid ahaa:

-Dawladdu marna uma kuurgasho dibaatooyinka dhabta ah ee dalka ka jira, waxay kaliya oo ku hawlan tahay in ay maalgashi kharashaad badan ku baxo sameyso, intaas isdhexgal baad ku hadaaqeysaan, dhanka kalana canshuurta ayaa mar walba siyaadisaan,  ayuu yiri Ulf Kristersson.

Ulf Kristersson ayaa intaas ku darey in ay jiraaan bulsho badan oo dibadda ka taagan suuqa shaqada, aadna ay dalkaan kor ugu keceen kooxaha isku baheeysta dembiyada, sidoo kalana uu kordhey faqooqa bulshada ee ka jira xaafadaha ey ajaaniibtu ku badan tahay, sida uu sheegay hoggaamiyaha xisbiga Moderaterna, Ulf Kristersson (M).

Reysal wasaare Stefan Löfven ayaa isagoo arrinkaas ka jawaabaya wuxuu yiri:

-Maalgalinta waxbarashadu waa mid muhiim ah oo loo baahan yahay, waayo waxaa dalkaan jira 100 000 oo shaqo oo banaan oo la la’ yahay cid aqoonteeda leh oo boosaskaas buuxiya, sidaas daraadeed maalgalinta aanu  waxbarashada ku sameyneynaa waa muhiim, waa run in aanu shaqooyinka xoogga saarney waana sababta ay shaqa la’aanta dalkaani hoos ugu dhacdey ayuu yiri Stefan Löfven.

Reysal wasaare Stefan Löfven ayaa intaa ku darey in Sweden ay ku sugan tahay xaalad dhaqaale oo wanaag-san. Waxaana hoos u dhacdey shaqa-la'aantii, sidoo kale waxaa la isku miisaamay miisaaniyaddii nuqsaanta  ku jiri jirtay, ayuu sheegay madaxa dawladda Sweden Stefan Löfven (S).

Hogaamiyaha xisbiga Center-ka Annie Lööf ayaa iyaduna sheegtay in miisaaniyadda dawladdu dhawaantaan soo bandhigtey ay tahay mid maran.

Hogaamiyaha xisbiga Sverigedemoquraadi-ga Jimmie Åkesson ayaa sheegey in loo baahan yahay in la mamnuuco ururka iska caabinta Nordiga maadaama ay gacan ka hadal rabshada wata isticmaalaan si ay taas hadaf siyaasadeed ugu gaaraan.

Hogaamiyaha xisbiga Libaraalka Jan Björklund ayaa sheegey in uu ka soo horjedo in sharci ahaan la mamnuuco kooxahaas xagjirka ah:

-Waan ka soo horjeedaa naaziyiinta, 12 sano ayaan ciidamada xoogga dalkaan ku jirey si aan komuniisimka dalkaan uga difaaco, sidaas oo ay tahay hadana diyaar uma ihi in dadka afkaarahaas xagjirka ah xanbaarsan sharci ahaan lagu mamnuuco, ayuu yiri Jan Björklund.

Hogaamiyayaasha xisbiyada Center-ka Annie Lööf iyo afhayeenka xisbiga Milöparti-ga Gustav Fridolin ayaa iyagu doodooda waxay xoogga ku saareen arrimaha deegaanka.

Gustav Fridolin ayaa sheegey in Sweden looga baahan yahay in ay siyaasaddeeda deegaanka la xiriirta si fiican ugu istaagto.

Hogaamiyaha xisbiga Center-ka Annie Lööf ayaa iyaduna carrabka ku dhufatey in xisbigeedu siyaadinayo canshuuraha deegaanka la xiriira in ka badan inta dawladdu sameysey.

Hogaamiyayaasha xisbiyada Vänster-ka Jonas Sjöstedt iyo Libaraal-ka Jan Björklund ayaa isku raacey baahida loo qabo in booliiska dalkaan dhaqaale dheeraad ah la siiyo si ay danbiyada iyo burcadda dalkaan ku sii siyaadeysa uga hortagaan.

Hogaamiyeyaasha xisbiyada Kristdemokrater-ka Ebba Busch Thor iyo Sverigedemoquraadi-ga Jimmie Åkesson ayaa dood kulul oo ku saabsan siyaasadda caafimaadka dalkaani ay dhexmartey.

Hogaamiyaha xisbiga Kristdemokrater-ka Ebba Busch Thor ayaa sheegtey in ay 27,5 bilyan oo dheeraad ah ay galin doonaan dhanka caafimaadka.

Hogaamiyaha xisbiga Sverigedemoquraadi-ga Jimmie Åkesson ayaa sheegey in loo baahan yahay in siyaasadda caafimaadka dalkaan dib u habeyn lagu sameeyo balse Hogaamiyaha xisbiga Sverigedemoquraadi-ga wuxuu xisbiyada kale ee mucaaradka ku canaantey in saddexdii sanoo la soo dhaafey ay dawladda dalkaan ridi kareen balse aysan sidaas sameyn ayna taas badalkeeda  taageereen dawladda dalka oo aan wax aqlabiyad buuxda ah ku heysan baarlamaanka dalkan Sweden.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".