Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Richard H. Thaler oo ku guuleeystay biladda Nobeelka dhaqaalaha

A woman opens the door of the Alfred Nobel Museum in Stockholm
Haweenay fureeysa albaabka madxafka Alfred Nobel sawir: JONATHAN NACKSTRAND

Yaa ku guuleey-san doona abaal-marinta biladda nobeelka ee dhaqaalaha? Ma wuxuu noqon doonaa sidii horay loo caadeeystay nin cad, da’diisu u dhexeeyso 65-70 jir oo ka howl-gala dalka Mareeykanka?

Waa mid xaqiiqda u dhow. 

Illaa iyo hadda ayaan biladaha nobeelka ee la bixiyey aaney ku jirin haween. Mana ahan mid aad macquul u ah inuu is-bedel ku dhaco iminka iyada oo ay har-san tahay billaddii ugu dambeeysay ee abaal-marinta nobeelka ee dhaqaalaha. Horay ayuu bangiga qaranka Sweden uu ku abaal mariyay biladda nobeelka dhaqaalaha 77 nin iyo hal haweenay ah.

Sannadkii hore ayey biladdaa ku guuleeysteen Oliver Hart, oo ka howl-gala jaamicadda Harvard ee dalka Mareeykanka iyo Bengt Holmström oo ka howl-gala machadka teknooloojiyada ee Massachusett (MIT), iyadoona lagu macneeyey aragtiyadooda la xiriira ceeymiska iyo qandaraasyada deeymaha ee bangiyada iyo heshiisyada shaqaaleeynta.

Sannadkii ka sii horreeyay ee 2015 ayuu abaal-marinta nobeelka ee dhaqaalaha sidoo kale ku guuleeystay Angus Deaton oo ka howl-gala jaamicadda Princeton oo baaris ku sameeyay macmiilka iyo fakhriga.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".