Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Hey’ad cusub oo loo sameeyneyo la dagaalanka falalka faqooqa

La daabacay måndag 9 oktober 2017 kl 16.45
Sweden oo ka hortagga faqooqa u sameyneysa hey'ad cusub.
(2:54 min)
JONAS NYGREN UTREDARE SEGREGATION. FotoAdam Wrafter/SvD/TT
Jonas Nygren baaraha dawladda ee ka hortagga faqooqa. FotoAdam Wrafter/SvD/TT

Sweden ayaa dhowaan yeelan doonta hey’ad cusub oo howsheedu tahay ka hortagga faqooqa (Delegationen mot segregation - Ergada la dagaalanka faqooqa).

Hey’addaas oo ah hay’ad yar ayaa hadana u xilsaarnaan doonta arrimo aad u waaweyn oo mas’uuliyad weyn xanbaarsan.

Jonas Nygren oo ah baaraha ay dawladdu arrinka heyaddan u xilsaartey ayaa wuxu yiri sidan:

-Ujeedada hey’addaan laga leeyahay waa in maadaama dalkaan Sweden uu faqooq ka jiro, joojinta faqooqaasna  ilaa hadda dalkan  lagu guuldareystey, si arrinkaas wax looga qabto ayaa hadda la rabaa in la sameeyo hey’ad arrinkaas wax ka qabata sida tusaale ahaan caddaalad darada nidaamka waxbarashada dalkaan ka jirta iyo sidoo kale kala qeeybsanaanta deegaannada maadaama ay jiraan dad badan oo shaqa la’aan dalkan ku ah, hey’addaani waxay u hawlgaleysaa, xoogana saari doontaa  wax ka qabashada dhibaatooyinkaa, ayuu yiri Jonas Nygren.

Jonas Nygren ayaa booqdey 30-ka degmo oo dalkaan Sweden ugu waaweyn si uu ugu kuurgalo habka ugu fiican ee faqooqaas loo joojin karo, iyadoo ujeedadu tahay in hab aqoon iyo cilmi ku dhisan dhibaatooyinkaas looga hortago isla markaasna degmo walba baahideeda gaarka ah lagu saleeyo.

Karin Stjernfeldt Jammeh (S), gudoomiyaha degmada Malmö ayaa talaabadaan soo dhaweysey waxayna tiri:

-Waan soo dhaweynayaa in Sweden ay awooddeeda oo dhan isugu geyso la dagaalanka faqooqa, waxaana  loo baahan yahay in degmooyinka dalkaan wada hadal dhab arrinkaas lagala yeesho, ayey tiri Karin Stjernfeldt Jammeh (S), ahna gudoomiyaha degmada Malmö.

hey’addaan cusub ee ka hortagta faqooqa (Delegationen mot segregation) ayaa hawsheeda si rsmi ah waxay u bilaabi doontaa bilowga sanadka soo socda.

Jonas Nygren iyo mar kale:

-Hawsha hey’addaan cusub loo xilsaarey waa hawlo aad iyo aad u culus oo kala duwan sida tusaale ahaan nabadgalyada iyo amniga, horumarinta xaafadaha iyo arrimaha waxbarashada la xiriira. Arrimahaas oo dhan si sahlan oo deg deg ah laguma wada xalin karo ee waqti dheer iyo shaqa badan ayey qaadan doontaa, sida uu sheegay Jonas Nygren, ahna baare dawladeed.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".