Regeringskansliet Rosenbad. Statsministerns kansli, Stadsrådsberedningen och Justitiedepartementet.
Xarunta madaxtooyada. sawir: Bertil Ericson / TT

Dacwad Löfven looga gudbiyay guddi hoosaadka dastuurka KU

Xarunta madaxtooyada Sweden ayaa qandaraas ku bixisay howlaheeda IT-ga oo ey qayb ka yihiin xogag sir ah, middaasina oo lagu howl-geliyey shirkado iyada oo aan la xaqiijin ammaankooda.

Waxay noqon kartaa tallaabo jebineeysa xeerka, sida uu qoray war-geeyska Dagens Nyheter.

Intii u dhexeeysay sannadihii 2012 iyo 2017 waxaa shirkadda Atea ay suurtagal u lahayd shabakadda madaxtooyada ee isku xirta kombiyuutarrada, mashiinnada koobiyada, rugta e-mailka iyo qalab kale.

Koowdii bishii sebteembar ee sannadka ayaa sidoo kale suurtagal loo siiyay shirkadda Cygate shabakadda kaabiyaha ee madaxtooyada, halkaasina oo shaqaale ka howl-gala shirkado ka madax bannaan ey gacan ka siinayeen dar-yeelkooda.

Hase yeeshee aanu dhex marin wax heshiis xog-dhowr ah shirkadaha iyo madaxtooyada.

Madaxa laanta IT-ga ee madaxtooyada Inga Brundell Öhman oo jawaab mail ah ku war-gelisay war-geeyska Dagens Nyhet ayay ku sheegtay in howlaha qaarkood ee heshiiska la wada galey uu dadeyo xogta qarsoodiga, sidaa daraadeed aan wax intaa dhaafsii-san loo baahneyn.

Af-hayeenka dhanka difaaca ee xisbiga Kristdemokraterna Mikael Oscarsson ayaa aaminsan inuu falkani yahay mid halis ah sidaa daraadeed uu dacwad uga gudbiyay Stefan Löfven (S) guddi hoosaadka baarlamanka ee dastuurka (KU).

-Howshani waxay si toos ah u hoos imanaysaa madaxa dawladda, sida uu sheegay Mikael Oscarsson mar uu la hadlay war-geeyska DN.

 

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".