Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Xaqiiq: Suurtagallada xulka qaranka Sweden ee kubbada cagta

La daabacay tisdag 10 oktober 2017 kl 12.09
Sveriges Mikael Lustig och  Victor Lindelöf jublar efter 5-0 under lördagens VM-kvalmatch Europa (grupp A)
ciyaar-yahannada Mikael Lustig iyo Victor Lindelöf oo uu xafladeeynaya goolkii shannaad ee ciyaar sabtidii ey isku hardiyeen xulka kubbadda cagta Luxemburg ee is reereebka koobka adduunka Yurub ee kooxda (A) sawir: Jessica Gow/TT

Sweden waxay suurtagal u leedahay kaalinta labaad xitaa haddii caawa 6:0 lagaga badiyo.

Jadwalka:

1) Faransiiska           20 poäng (+11)
2) Sweden                 19 (+19)
3) Nederland             16 (+7)
4) Bulgaariya             12 (-5)
5) Beelaruush            5 (-14)
6) Luxemburg            5 (-18)

Dhabbada Sweden ee koobka adduunka

Inay kaalinta koowaad ka gasho kooxda:

Waxaa loo baahan yahay:

·Inuu xulka Sweden ka guuleeysto xulka Nederland, isla-markaana uu xulka faransiisku barbar-dhac ama guul-darro kala kulmo xulka Beelaruush.

·Sweden oo barbar-dhac la gasha xulka Nederland, isla-markaana uu xulka Beelaruush ka badiyo xulka Faransiiska.

Sweden oo kooxda ka gasha kaalinta labaad oo playoff u soo baxda:

Xaqiiqda ugu dhow ayaa ah inuu dalka Sweden kaalinta labaad ka galo kooxdiisa oo uu playoff u diyaar garoobo. Sweden oo kaalinta labaad ka gasha kooxdeeda waxay la macne tahay inay ka mid noqotay siddeeda kooxood ee kaalinta labaad ugu dhibcaha wanaag-san ee iyagu dhexdooda ka tartami doona (playoff).

Waxaa haddaba loo baahan yahay: 

·Inuu xulka Nederlan uga badiyo xulka Sweden ugu badnaan 6:0. 7:0 wuxuu xulka Sweden luminayaa kaalinta labaad iyo playoff (in is reereeb kale uu galo).

·Kaalinta labaad waxaa ka qayb geleya siddeed kooxood oo bisha nofeembar u tartami doona 4 boos si ey uga qayb galaan fiinaalka kubbadda cagta adduunka ee sannadka 2018.

Fråga
Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".