Hanna Wigh. FotoJONAS EKSTRÖMER / TT
Hanna Wigh. FotoJONAS EKSTRÖMER / TT

Xildhibaanad Hanna Wigh oo dab lagu weerarey hooygeeda

Hanna Wigh oo dariishadda jikada gurigeeda dab la qabadsiiyey
1:36 min

Ciidamada sirdoonka ee Säpo ayaa imminka baaraya dhibaatooyin loo geystey iyo waraaqo handadaad ah oo loo direy Hanna Wigh oo horey uga tirsanaan jirtey xildhibaannada xisbiga Sverigedemoquraadi-ga u metela baarlamanka.

Waraaqaha handadaada ah ayaa gabadhaan waxaa loo direy ka dib markii ay barnaamijka Kalla fakta ee ka baxa talefishinka Tv4 ka sheegtey faraxumeyn dhanka galmada ah oo uu kula kacey xildhibaan isla xisbigii ay horey gabadhaasi uga tirsaneyd ka mid ah.

Hanna Wigh ayaa dhibaatooyinka loo geystey waxaa ka mid ah iyadoo gaarigeeda waxyeelo loo geystey, dariishadda jikada gurigeedana dab la qabadsiiyey.

Hanna Wigh oo arrinkaas ka walwalsan ayaa tiri:

-Waxaan oo kale markey qofka ku dhacaan wuxuu dareemayaa in bani’aadanimadiisii meel looga dhacey isla markaana uusan ammaan dareemeyn, waana qaldan yahay qofkii ku fekera in arrinkaasi uu aniga igu khasbayo in aan mawqifkeyga wax ka badalo, ayey tiri Hanna Wigh.

Karl Melin oo ciidamada sirdoonka ee Säpo dhanka warfaafinta u qaabilsan ayaa sheegey in ciidamadoodu ay hadda baaritaankii arrinkaas kala wareegeen ciidanka booliiska ee degmada Skaraborg, waxaana ereyadiisa ka mid ahaa:

-Falalkaan guracan waxaa lagula Kacey qof ka mid ah dadka aanu waardiyeyno. Hawlaha aanu u xilsaaranahayna waxaa ka mid ah in aanu ilaalino xildhibaannada iyo howl-wadeennada heer qaran, ayuu yiri Karl Melin oo ka howlgala ciidanka sirdoonka säpo.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".