Exteriör Luleå tingsrätt
Maxkamadda degmada Luleå. sawir: Susanne Lindholm/TT

Maxkammadaha socdaalka oo kiisas 400 ah is weeydaarsaneya

Maxkammadaha socdaalka ee dalka Sweden ayey ka dhici doonaan tallaabooyin aan horay looga baran inta lagu guda jiro bishan oktoobar.

Maxkamadda socdaalka ee magaalada Luleå ayaa 400 oo kiis kala soo wareegi doonta maxkamadda dhiggeeda ee magaalada Malmö, sida ay sheegtay laanta idaacadda ee P4 Norrbotten.

-Waxaa la oran karaa inuu yahay fal la xiriirra arrimmo badan oo isku dhex jira. Waxaa ka mid ah in aaney maxkamadda iminka soo gaarin kiisas badan sidii horey ay u ahaan jirtay, muddadii ey dalka soo galeen qaxootiga faraha badan. Waxaannu sidoo kale ku guuleeysanney in aannu soo gabagabeeyney kiisas badan in muddo ah, xaaladdayada howleed ayaa ah mid dheeli tiran iminka, sida ay sheegtay Anna Sivlér, ahna madax garsoore ka howl-gasha laanta socdaalka Luleå ee maxkamadda racfaanka oo u warrameeysay idaacadda P4 Norrbotten.                                                    Maxkamadda socdaalka ee magaalada Luleå ayaa la wareegi doonta kiisaska dadyoowga dooneya iney qaraabadood la midoobaan ee dalka dibadda kaga sugan.

-Waxaan oran lahaa inay tahay markii ugu horreeysay ee laba maxkammadood is dhaafsadaan kiisas inta aan og-soonahay, sida ay sheegtay Anna Sivlér.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".