Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Lacag caddaan ah oo boorso laga soo saarayo.
Lacag caddaan ah oo boorso laga soo saarayo. sawir: Izabelle Nordfjell/TT

Sweden ayaa la qiyaasayaa in laga maarmo lacagta caddaanka 2030

Saddex daloolow laba ganacsatada Sweden ayaa rumeey-san iney joojin doonaan isticmaalka lacagta caddaanka ah ugu dambeeyn sannadka 2030, sida ku cad baaris aan weli la daabicin oo ay sameeysay Jaamicadda Teknikada ee Boqortooyada (KTH).

Niklas Arvidsson oo ka howl-gala KTH, kana mid ah culimmada ka soo shaqeeysay baaristan ayaa aamin-san in lacagta caddaanka ah laga maarmi doono ugu dambeeyn sannadka 2030.

-Xawli ayay iminka ku socotaa. Bangiyada ayuu kharash un ugu fadhidaa maareeynta lacagta, waxeyna lacagtu shaqeeyn un doontaa in ey bulshada iyo dukaanleeydu baahida u qabaan, sida uu sheegay Niklas Arvidsson oo u warramayay war-geeyska Svenska Dagbladet (DN).

Sida uu sheegay ururka ganacsiga Sweden in iminkaba 80% ganacsiga loo isticmaalo kaarar.

Baaristan ayey fikirradooda ka dhiibteen 740 ganacsato oo ka kala howl-gala goobo lacagta caddaanka aad looga isticmaalo.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".