Den svenska journalisten, Dawit Isaak som är fängslad  Eritrea sedan 2001.
Dawit Isaak ayaa xabsi ugu jira Eriteriya xukun la'aan illaa 2001. sawir: KALLE AHLSÉN

Isaak oo u soo haray tartanka kama dambeeynta ee biladda Sakharov

Suxufiga iswiidhishka eriteriyaanka, Dawit Isaak ayaa ka mid noqday saddex ruux ee soo harey sidii ey ugu tartami lahaayeen abaal-marinta sannadlaha xuquuqda bani’aadamka ururka Midowga Yurub (EU) ee lagu magacaabo Sakharov.

Suxufiga ayey soo sharraxeen garabka xisbiyada Sooshiyaaldimoqoraadiga EU ee magaciisa loo soo gaabiyo S&D iyo dhammaan xisbiyada Sweden ee xubnaha ku leh baarlamanka EU marka laga reebo xisbiga Sverigedemokraterna.

"Waa fal lagu farxo inuu garabka xisbiyada Sooshiyaaldimoqoraadiga ee EU ku guuleeysto soo sharraxaadda Dawit Isaak kaalinta ugu dambeeysa ee tartanka, sida ay sheegtay Marita Ulvskog (S), ahna xil-dhibaanad baarlamanka EU oo u warrameeysay hayadda wararka Sweden ee TT.

Waxay rajeenaysaa inuu Dawit Isaak ku guuleeysto abaal-marinta oo lagu dhawaaqi doono 26-ka bisha oktoobar.

Abaal-marinta Sakharov ayaa lagu maamuusaa laga bilaabo 1988 muwaadinkii dawladdii la oran jiray Soviet, Andrey Sakharov (1921-1989) una doodi jiray xuquuqda bani’aadamka. Sakharov ayaa ku guuleeystay biladda abaal-marinta nabadda ee nobeelka.

Dawit Isaak ayaa xabsi xukun la’aan ah ugu jiray dalka Eriteriya muddo 16 sannadood ah.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".