Skotthål i ett fönster i det kafé i förorten Rinkeby i nordvästra Stockholm där två personer sköts till döds
Xabbad ku dhacday daaqad ku taal goobtii xaafadda Rinkeby ee labada ruux lagu diley. sawir: Janerik Henriksson/TT

Dilkii labada ruux ee Rinkeby oo dacwaddoodii hoos loo dhigay

Bishii diseembar ee sannadkii ina dhaafay ayaa maqaayad ku taala xaafadda Rinkeby oo dhacda waqooyi galbeed Stockholm lagu toogtay laba ruux, iyada oo iminka dacwaddii hoos loo dhigey, sida uu qoray war-geeyska Aftonbladet. Waxaa la waayay cid markhaati ka noqota.

-Ma jirto cid u diyaar ah iney ka markhaati kacdo wixii ey ogtahay. Annaguna tekniko kuma heyno caddeyn, haba yaraatee. Marka dacwaddii hoos ayaan u dhigay, sida ay sheegtay xeer-ilaaliye Maria Hävermark oo war-geeyska la hadashay.

Xeer-ilaaliyadda ayaa sheegtay inay la sugtay intii la doono.

-Hase yeeshee kolkii aan caddeeymmo wax ku ool ah aan ka waayay hayadda NFC ay ku sameeysay hubkii, hoos ayaan markaa u dhigay dacwaddii. Waxaana ugu wacan caddeeymmo la’aan.

Fråga
Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".