Xarunta baarlamanka Sweden.
1 av 3
Xarunta baarlamanka Sweden. sawir: Henrik Montgomery/TT
Statsminister Stefan Löfven (S) och utbildningsminister Gustav Fridolin (MP) på väg till partiledardebatten i riksdagen i Stockholm.
3 av 3
Madaxa dawladda Stefan Löfven (S) iyo wasiirka tacliinta Gustav Fridolin (MP) oo ku sii socda xarunta baarlamanka sidii ey uga qeyb qaadan lahaayeen doodda hoggaamiyeyaasha xisbiyada. sawir: Henrik Montgomery/TT

Hoggaamiyeyaasha xisbiyada oo dood ku dhexmartay baarlamanka

Hoggaamiyeyaasha xisbiyada oo ku hardamey baarlamanka
6:37 min

Iyada oo ay doorashadii dalka ka har-san tahay wax ka yar sannad ayey saaka dood uga bilaabatay baarlamanka hoggaamiyeyaasha xisbiyada xubnaha ku leh.

Hoggaamiyaha xisbiga Moderaterna Ulf Kristersson oo markii ugu horreeysay ka qayb galay doodda hoggaamiyeyaasha xisbiyada ee baarlamanka ayaa sheegay in loo baahan yahay heshiis loo dhan yahay ee siyaasadda socdaalka.

-Wuu dhammaaday xilligii isku dhex yaaca, sida uu ka sheegay doodda baarlamanka ee hogaamiyeyaasha xisbiyada oo saaka bilaabatay.

Qaxa iyo socdaalku maahan mid adduunka ka dhammaanaya, sida uu sheegay Kristersson, isagoona gacanta u fidiyay sidii ey garabyada siyaasaddu heshiis guud ee loo dhan yahay uga gaari lahaayeen mustaqbalka.

Wadahaddalo noocaasi ah oo ey yeeshaan garabyada kala duwan ee siyaasadda ayuu sheegay inuu ku muujin lahaa baahida loo qabo in siyaasadda socdaalka Sweden aanay ka duwanaan midda waddammada xubnaha ka ah EU iyo in ciddii dalabkeeda diidmo ku hesha ay dalka isaga baxdo.

-Waa in la dareemo farqiga u dhexeeya Haa iyo Maya, sida uu sheegay Kristersson, isagoona carrabka ku adkeeyay in Sweden aanay u baahnayn koboca bulshooyin dalka ku jooga sharci darro. 

Löfven oo ka digay

Doodda hoggaamiyeyaasha xisbiyada ee baarlamanka ayuu furay madaxa dawladda Sweden, ahna hoggaamiyaha xisbiga Socialdemokraterna Stefan Löfven (S). Isagoona ka digay siyaasadda canshuur dhimista ee xisbiyada garabka midig.

-Waxaa la gaaray xilligii dhallaanka, waalidiintood iyo waayeelka loo abuuri lahaa xaalad ammaan, sida uu sheegay Löfven.

Löfven ayaa tusaale u soo qaatay warqad uu ka helay hooyo dhashay ilmo qaba cudurka kaankarada oo ay la soo gudboonaatay in dhowr jeer dib loo dhigo qalliinkii ilmaha lagu sameeyn lahaa, middaasina ugu wacnayd shaqaale darro.

-Howlaha dar-yeelka caafimaad oo aan helin miisaaniyad ku filan waxay ka bax-san tahay xuquuqda bani’aadamka, sida uu sheegay Löfven.

Isagoona farta ku fiiqay inay dawladdu ku xoojisay hayad-goboleedyada dar-yeelka caafimaad iyo maamullada degmooyinka 35 bilyan oo koron wixii ka dambeeyay sannadkii 2014, welina halkeeda ay dawladdu ka sii wadi doonto.

-Shaqaale la’aanta waa in laga baxo, xaaladda shaqada iyo mushaarooyinka waa in la hagaajiyo, waa in la helo shaqaale ku filan howlaha oo xirfad u leh si aan qalliimmada loo baajin, sida uu sheegay Stefan Löfven.

-Jawaabtu ma noqon karto in lagu tallaabsado canshuur dhimis ballaaran.

Ammaan-darrada oo xoogga la saarey

Madaxa dawladda wuxuu sidoo kale farta ku fiiqay baahida loo qabo in la adkeeyo ciidanka ammaanka. Isagoona sheegay in aanay ahayn wax la qaadan karo in hoos loo dhigo dacwooyinka la xiriira kufsiga iyo fara-xumeeynta.

-Hoggaamiyeyaasha kooxaha dembiileyaashu maahan iney gawaari qurxoon oo casri ah ku damaashaadaan.

Sidoo kale hoggaamiyaha xisbiga Sverigedemokraterna Jimmie Åkesson ayaa ka hadlay ammaan-darrada dalka ka jirta.

-Sweden lagama baaro kufsiga dhallaanka loo geeysto, waxaa jira xaafado aan la tegi karin, kooxo maafiyo u dhigma oo qabiillo ku dhisan oo cabsi geliya bulshada inteeda kale. Waxay na xasuusineeysaa xaaladda koonfurta talyaaniga. Maya, xaalad wanaag-san oo keliya kuma sugna Sweden, sida uu sheegay Åkesson.

Noocyada xayawaanka oo qaarkood ey suuleen 

Af-hayaha xisbiga Miljöpartiet (MP) Gustav Fridolin ayaa dhammaan rogay dooddii. Isagoona ka digay halka uu adduunku ku socdo maadaama uu noolaha qaarkood suuleyo, cimilo qallaf-san, daadad iyo abaaro.

-Su’aasha cimilada ayaa noqotay dhaleeceeynta ilbax-nimada (civilisationskritisk), sida uu sheegay Fridolin.

Fridolin ayaa isku dayay inuu rajo muujiyo, isagoona sheegay in qaylo-dhaanta culimadu tahay mid muujineeysa inaan waxba laga qaban cimilada.

-Waa howl degdeg loogu baahan yahay. Weli rajo ayaa jirta.

Hoggaamiyaha xisbiga Center-ka Annie Lööf ayaa sidoo kale ka hadashay mowduuca ay ugu xiisaha badan tahay. Waxay carrabka ku adkeeysay inuu dalka Sweden u baahan yahay siduu ku adkeeyn lahaa awooddiisa tartan dhaqaale, isla-markaana loogu sahli lahaa ganacsatada iyo shaqa abuurka.

Lööf ayaa ka digtay inay bulshada Sweden ku socoto kala qeybsanaan.

-Waxaa xidideeysanaya dabaqad hoose oo bulshada kala qeeybinaysa. Waa in dad inta maanta ka badan loo suurtageliyo inay shaqadoodii ugu horreeysay helaan, sida ay sheegtay Annie Lööf, hoggaamiyaha xisbiga Center-ka.

Hoggaamiyaha xisbiga Vänsterpartiet Jonas Sjöstedt iyo hoggaamiyaha xisbiga Liberalerna Jan Björklund ayaa khudbadahoodii dhex taalka kaga hadley dabaqadaha bulshada.

Sjöstedt ayaa la kaftamay dawladda oo aan doonayn inay canshuurta ku kordhiso maal-qabeenka iyo xisbiyada Center-ka iyo Liberalerna.

Dabaqad hoose oo cusub

-Kan u liita waa xisbiga Liberalerna, oo si ula kac oo la beegsi ah canshuurta uga dhimaya maal-qabeenka. Mana jirto cid sida xisbiga Center-ka u neceb hab nololeedka Sweden, sida uu sheegay Sjöstedt, hoggaamiyaha xisbiga Vänsterpartiet.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".