Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Xisbiga Moderaterna oo xoogga isugu geeynaya shir weynihiisa

La cusbooneeyay torsdag 12 oktober 2017 kl 11.04
La daabacay torsdag 12 oktober 2017 kl 10.15
Moderaternas partiledare Ulf Kristersson
Hoggaamiyaha xisbiga Moderaterna Ulf Kristersson sawir: Alexander Larsson Vierth/TT

Muddo bilo ah oo ey xubnaha xisbiga Moderaterna ku howlanaayeen is jiid jiid dhexdooda ah iyo hoggaamiyihii xisbiga oo xilkii iska casilay ayey iminka u soo jeesteen in siyaasadda laga wada xaajoodo.

Is qabqabsi aan ballaarnayn ayay dhici kartaa inuu yimaado kolka la soo ban-dhigo qorshaha siyaasadeed ee xisbiga ee la xiriira socdaalka, dar-yeelka caafimaad iyo suuqa shaqada kulanka xisbiga uga furmi doona magaalada Örebro.

Qorshaha siyaasadeed ee xisbiga ayaa ahaa mid la diyaariyey intii aanay jagada iska casilin hoggaamiyhii hore ee xisbiga Moderaterna Anna Kinberg Batra muddo iminka ay bil ka soo wareegtay, middaasina oo macnaheedu tahay in dib loogu laabtay siyaasaddii hore ee xisbiga, wixii ka horreeyay hoggaankii Reinfeldt. Waana mid iminka looga fadhiyo hoggaamiyaha cusub ee xisbiga, Ulf Kristersson inuu taaba geliyo siyaasaddaa.

Xubnaha 200 boqol ee kulanka ka soo qeyb-geleya ayaa la fileyaa iney siyaasadda mustaqbalka ee socdaalka u jeheeyaan mid salka ku heeysa qaxootiga saamiga loo soo qaato – kvotflyktingar iyo in magan-gelyada iyo deggenaanshaha laga soo dalbado inta aan la soo gaarin xuduudaha waddammada ku midoobey EU.

Qodobka qorshaha ee loogu magac daray ”ammaan la aamino” oo ay siyaasadda socdaalku ka mid tahay, waxaa sidoo kale ku xusan siyaasadda difaaca iyo nidaamka. Iyada oo waxyaabaha ku qorani ey ka mid yihiin ”qiimeeynta qaadashada muwaadin-nimada Sweden" oo lagu xiro shuruudaha ey ka mid yihiin inuu qofku ku filan yahay noloshiisa, shuruud luuqadda ah iyo sidoo kale muddada lagu qaato dhalashada oo wax lagu daro, waa tallaabooyinka macquulka noqon kara.

Qodobka Sweden oo dhan waa inay shaqeeysaa oo hoos yimaada siyaasadda suuqa shaqada ayaa ah hor u marinta dhabbada shaqada. Aragtida laga kala qabo shaqada ayaa noqon karta mid dood dhalisa.

Kolka laga hadleyo dul-qaad la’aanta iskuullada aan waajibaadkooda gudan waxay la xiriirtaa siyaasadda iyo ammaanka xanaannada iyo dar-yeelka. Xisbiga ayaa soo jeediyay in dar-yeellada caafimaad ee xirfadaha gaarka lagu mideeyo goobo gaar ah ee ka yar kuwa iminka, si loo gaaro natiijo ka wanaag-san. Rabitaanka ayaa salka ku haya in howlaha cusbitaallada qaarkood loo soo duwo bukaan-socodyada.

Kulan weynaha xisbiga Moderaterna ayaa bilaaban doona maanta oo khamiis ah, wuxuuna socon doonaa illaa iyo maalinta axadda ee foodda innagu soo haysa.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".