Dr. Paolo Macchiarini meet the journalists during a press conference, in Florence, Italy,
Dr. Paolo Macchiarini. sawir: Lorenzo Galassi

Xeerilaaliyaha oo ka jawaab celiyay eedeeyntii dhakhtar Macchiarini

Xeer-ilaaliyaha ayaa maanta soo ban-dhigaya go'aankiisa la xiriira dacwadihii la xiriirey dhakhtar Paolo Macchiarini oo ka howl-geli jiray cusbitalka Karloniska ee xaafadda Solna.

Dembiyada uu xeer-ilaaliyuhu baarista ku sameeyay ayaa ah gacan ka geeysasho ama fududeeyn geerida cid kale ama dhaawac u geeysasho, sida uu xeer-ilaaliyuhu ku soo ban-dhigay shir-jaraa'id. Waxaa shirka jaraa'id sidoo kale lagu sheegay in aanay jirin cid kale oo dacwad laga soo oogey.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".