Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Dr. Paolo Macchiarini meet the journalists during a press conference, in Florence, Italy,
Dr. Paolo Macchiarini. sawir: Lorenzo Galassi

Dhakhtarkii Paolo Macchiarini oo dacwaddihiisii hoos loo dhigey

Afar dacwadood oo hoos loo dhigey
1:39 min

Paolo Macchiarini ahaana dhakhtar qalliinka uga howl-geli jiray cusbitalka jaamicadda Karolinska ee xaafadda Solna ayaa dhammaan lagu waayey dacwadihii lagu soo oogey, isla-markaana hoos loo dhigey.

Saddex ruux ayaa u geeriyootey qalliimmo uu ka sameeyey dalkan Sweden dhakhtar ay doodo ballaarani ka taagnaayeen oo ka howl-geli jiray cusbitalka Karolinska ee xaafadda Solna Paolo Macchiarini.

Dhammaan dacwooyinkii lagu soo eedeeyey dhakhtarka ayaa iminka hoos loo dhigay, sida uu xeer-ilaaliyuhu shir jaraa’id ku soo ban-dhigay maanta.

Intii u dhexeeysay sannadihii 2011-2012 ayuu qalliin caag ah ee dhuunta uu ku sameeyay saddex ruux cusbitalka jaamicadda Karolinska oo dhaca xaafadda Solna. Dhammaan saddexda ruux ayaa geeriyoodey.

Bishii juun ee sannadkii tagay ayaa lagu soo eedeeyey laba dacwadood ee kala ah gacan ka geeysasho geeri iyo dhaawac oogada.

Paolo Macchiarini, ayaa iska dheereeyey eedeeymaha loo soo jeediyey mar dhowr jeer la wareeystey.

la xiriira

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".