Helene Hellmark Knutsson, minister för högre utbildning och forskning,
Wasiiradda tacliinta sare iyo cilmi baarista Helena Hellmark Knutsson. sawir: Erik Simander/TT

Sweden oo soo wada sharci lagu adkeynayo danbiyada cilmi baarista

Sweden oo adkeyneysa sharciyada looga hortagayo danbiyada cilmi baarista.
1:44 min

Wasiirka cilmi baarista dalkan iyo hayad goboleedka caafimaadka Stockholm ayaa rabi lahaa in la sii wado dembibaaristii lagu hayey dhakhtar Paolo Macchiarini.

Hey’adaha arrinkaasi khuseeyo ayaa u diyaargaroobaya  sidii sharciyada dalkan ee dhankaas ku saabsan loo sii adkeyn lahaa.

Wasiirka cilmi baarista Helene Hellmark Knutsson (S) oo arrinkaas ka hadleysa ayaa tiri:

- Waa in dalkaan aysan ka dhicin in bukaansocodka hab qaliin ah loogu tababarto, waa muhiim in aanu cilmi baarista ku kalsoonaano, akhlaaq ahaana dhankaas isha lagu hayo, ayey tiri Helene Hellmark Knutsson.

Wasiirka cilmi baarista Helene Hellmark Knutsson ayaa fikir ahaan taageersan Jennie Nordins oo ah xeer ilaliyihii dacwadda dhakhtarkaas gacanta ku haysey, taas oo soo jeedisey in aad loo adkeeyo sharciyada la xiriira musuqmaasuqa iyo khayaanooyinka ka dhaca rugaha cilmi baarista dalkan.

Bisha december ee socota ayaa baare lagu magacaabo Gudmund Toijer wuxuu soo bandhigi doonaa qorsha cusub oo sharci ahaan ciqaab culus lagu ciqaabi doono qofkii lagu helo khayaano cilmi baaris.

Qofkii danbiya noocaas ah gala ayaa hadda dalkan waxaa lagu ciqaabaa ganaax ugu badnaan lix bilood ah oo kaliya.

Helene Hellmark Knutsson ayaa hoosta ka xariiqdey in loo baahan yahay adkeynta ciqaabta la marsiiyo qofkii khayaabo cilmi baarineed lagu helo.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".