Svartvit Flugsnappare sitter på en gren och sjunger.
Shimbir yar oo dheereeysa oo laan ku dul taagan oo heesaysa. sawir: Hasse Holmberg

Khatarta cimilada oo saameeysa shimbiraha qaaradaha u kala goosha

Shimbiraha u socdaala duulimaadyada dhaadheer ayey ku sii adkaaneyaan sidii ey ula qabsan lahaayeen cimilada kulul.

Haddii aaney ku guuleey-san iney wax ka bedelaan saacaddooda bayoloojiyada ee oogadoodu ku shaqeeyso ayey ku adkaaneeysaa sidii ey ku badbaadi lahaayeen.  

-Shimbiraha aan la qab-san karin way ku adkaanaysaa iney badbaadaan, sida ay sheegtay Susanne Åkesson, ahna caalimad ku tahsustay culuunta cimilada xayawaanka ee jaamicadda Lund.

-Saacaddooda oogada ayaa u sheegta wakhtiga ey u baahan yihiin iney guuraan oo haddii aaney markaa la qabsan karin oo aaney diyaar u aheyn ey lumineyaan xilliga guga ee xasharaadka badan la helo. Xasharaad ey u isticmaalaan ilmaha iney ku quudiyaan. (TT)

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".