Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Försvarsövningen Aurora fick på onsdagen besök av försvarsminister Peter Hultqvist
Wasiirka difaaca Sweden Peter Hultqvist (S) oo booqanaya goob uu ka socday tababarkii Aurora. sawir: Jonas Ekströmer/TT

Muddadii uu socday Aurora oo la dareemey dhaqdhaqaaq basaasnimo

Muddadii uu socday tababarkii ballaarnaa ee ciidammada ee lagu magacaabay Aurora ayey dhaceen falal tuhun oo 17 gaarsii-san oo loo gudbiyey wasaaradda difaaca.

-Waxaa na soo gaarey muddadii uu socday tababarkii ciidammada ee Aurora warar badan oo la xiriirey ammaanka. Haddii aanan wax ku dardarin toban jeer ayey kor u kaceen muddadii uu socday tababarku, sida uu sheegay Jesper Tengroth, ahna gacan-yare saxaafadeed oo ka howl-gala wasaaradda difaaca oo u warramayay war-geeyska Dagens Nyheter.

Waxaa laga hadleyaa waxyaabo ey ka mid yihiin waxa lagu magacaabo ”drönare” qalabka duula ee aan cidina wadin oo lagu arkayey goobo uu tababarku ka socday iyo dad keeymaha ku sugnaa oo xaaladdooda la garan la’aa.

-Markii dhacdooyinkaa sharraxaad la iga siiyey, waxaa ii soo baxay iney goobahaa ka socdeen howlo isku day basaas-nimo, sida uu sheegay wasiirka difaaca Sweden Peter Hultqvist (S) oo war-geeyska u warramay.

Iminka waxaa socda howlo looga shaqeeyneyo caddeeymaha war-bixinnada na soo gaarey. Jesper Tengroth ayaa ka gaabsaday inuu sheego tirada war-bixinnada soo gaarey iyo in qaar ka mid ah loo gudbiyey ciidammada nabad-sugidda.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".