Polis vid gränskontrollen vid Hyllie tågstation i Malmö på tisdagen.
Boliis taagan xuduudda Hyllie ee xarunta tareemmada Malmö sawir: Johan Nilsson/TT

Sweden oo ku talo jirta dheereeynta kontroolka xuduudaha dalka

Waddammada Danmark iyo Jarmalka ayaa halkooda ka sii wadi doona kontraoollada xudduudahooda illaa bisha maajo ee 2018.

 

Hoggaanka dalka Sweden ayaa sidoo kale ku talo jira inuu dheereeyo.

-Waan maqlay fikirka dalka Danmark waxaan kaloo ogsoonahay in dalka Jarmalkuna uu dhabbadaa ku  socdo. Annaguna waxaannu ku talo jirnaa sidoo kale in aannu dheereeyno kontroolka xuduudaha koonfureed gaar ahaan xuduudda nawaaxiga Öresund ee dalka Danmark aannu la leenahey, sida uu sheegay wasiirka cadaaladda Morgan Johansson (S) oo sii galayay kulan magaalada Luxemburg uu ururka EU ku lahaa arbacadii.

-Waxay noola muuqataa in xaaladda ammaan ee Yurub ay tahay mid loo baahan yahay in kontroollo la leeyahey, gaar ahaan kolka laga hadleyo dhacdadii argagixisada ee ka dhacday dalka Sweden 7-dii bishii abriil, marka waa mid loo baahan yahay in laga war-hayo cidda dalka soo galeeysa, sida uu sheegay Morgan Johansson.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".