En kraftig explosion har inträffat i ett trapphus i ett flerfamiljshus i Malmö.
Qarax xooggan oo ka dhacay daar saddex dabaq ah oo ku taala magaalada Malmö. sawir: Johan Nilsson/TT

Qarax xooggan oo ka dhacay daar ku taala magaalada Malmö

Hans Nilsson: Waa nasiib wanaag in aaney cidinka ku dhaawacmin
1:40 min

Qarax ballaaran ayaa ka dhacay habeen-nimadii xalay daar dabaq ah oo ku taala magaalada Malmö.

Dhaawacyo ballaaran ayaa ka soo gaarey daarta saddexda dabaq ee uu qaraxu ka dhacay iyadoona uu dhagax weyn oo daarta ka mid ahi faniin ku gaarey qolkii fadhiga ee ka mid ah guryaha daarta ku yaaley una jirtay 80 mitir, sida uu sheegay Hans Nilsson, ahaana masuulkii ciidanka boliiska ee nawaaxiga koonfureed.

Qaylo dhaan ayaa ka timid dadyoow ku nool xaafadda uu qaraxu ka dhacay oo maqlayey qaraxa ballaaran wax yar ka hor koowdii habeen-nimo ee xalay.

Sida ay sheegeen ciidanka howlahaa ku shaqada lihi inuu goobtaa ka dhacay qarax uu ka dambeeyay waxyaabaha qarxa, nasiib wanaagse aaney cidina ku dhaawacmin.

–Waxaa meesha ka dhacday nasiib wanaag ballaaran maadaama aaney cidina ku sugneeyn goobta uu qaraxu ka dhacay oo keeni lahayd dhaawacyo halis ku ah nafta, sida uu sheegay Hans Nilsson.

Illaa iyo hadda ayaanay jirin cid lagu tuhun-san yahay ama gacanta loogu hayo inay ka dambeeysay qaraxaa. Sidoo kale ma jirto cid la ogsoon yahay in lala beegsaday qaraxa oo daarta ku nool.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".