Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Rikspolischef Dan Eliasson. Foto: Anna-Karin Nilsson / EXP / TT
Dan Eliasson taliyaha ciidamada booliiska Sweden. Foto: Anna-Karin Nilsson / EXP / TT

Dan Eliasson oo jabiyay qaraar balse lagu waayey dembi

Dan Eliasson oo lagu eedeeyey in uu sharciga jabiyey balse aan dacwad lagu oogin.
2:56 min

Taiyaha ciidamada booliska Sweden Dan Eliasson ayaa la joojiyey in baaritaan lagu sameeyo ka dib markii uu shirkad gaar loo leeyahay u gacangaliyey warbixino sir ah.

Idaacadda Sweden ayaa hadda ka hor waxay kashiftey in taliyaha guud ee ciidamada booliska Sweden Dan Eliasson uu shirkad gaar loo leeyahay u u suurtageliyay inay gacanta ku dhigi karaan warbixino xasaasi ah isagoo aan isticmaalin nidaamka hawlaha noocaas oo kale ah loo maro ee ogolaanshaha looga qaato ciidamada difaaca Sweden.

Dad indheergarato ah oo arrinkaas ku xeeldheer ayaa sheegey in falkaasi ahaa mid ka hor imaanaya habka iyo nidaamka dalkaan sirihiisa qaran lagu dhowro.

Xeer ilaaliyhii baaritaanka arrinkaas gacanta ku hayey Anders Jakobsson ayaa sheegey in falkaasi ahaa mid ka hor imaanaya nidaamka dalkaan sirihiisa qaran lagu dhowro, taliyaha ciidamada booliskuna uusan xaq u laheyn in uu qaato go’aaminta uu arrinkaas ka qaatey:

- Ciidamada booliisku waxay ku dhaqaaqeen go’aan ciriiri galinaya nidaamka dalkaan sirihiisa qaran lagu dhowro kuwaas oo baalmarey  arrinkaas aysana ku wargalin cidamada xoogga dalka oo ay aheyd in ay arrinkaas la socodsiiyaan, ayuu yiri Anders Jakobsson oo ah xeer ilaaliyaha arrinkaas gacanta ku hayey.

Xeer ilaaliye Anders Jakobsson ayaa intaas ku darey in ciidamada booliisku ay aheyd in sharciga dalkan ay u raacaan sida uu yahay oo aysan baalmarin.

Taliyaha ciidamada booliiska Sweden Dan Eliasson ayaa go’aankaan lagu heysto gaarey sanadkii 2015 markaas oo uu shirkad magaceeda loo soo gaabiyo CGI u gacan galiyey howlaha it-ga oo ey ku jireen xogaha la xiriira nidaanka mushaarada iyo shaqaalaha ciidamada booliiska dalkan, isagoo aan isticmaalin nidaamka hawlaha noocaas oo kale ah loo maro ee ogolaashaha looga qaato ciidamada xoogga dalkan Sweden.

Taliyaha ciidamada booliiska Sweden Dan Eliasson ayaa horey u sheegey in ciidamada booliisku aysan jabin nidaamka lagu dhowro siraha dalkan, wuxuuna yiri isagoo arrinkaas ka hadlaya:

- Sidaan aaminsanahay waxaannu dooraney qaab kale oo ka bedelan kan ay ciidamada xooga dalku ku taliyaan. Habka aan raacneyna waa mid waafaqsan qaabka lagu dhowro siraha amni ee dalkaan, ayuu yiri Taliyaha ciidamada booliiska Sweden Dan Eliasson.

 

 

 

-

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".