Mid ka mid ah kuwii ku dhaawacmay qaraxii magaalada Muqdisho ee Soomaaliya.
Mid ka mid ah kuwii ku dhaawacmay qaraxii magaalada Muqdisho ee Soomaaliya. sawir: MOHAMED ABDIWAHAB

Sweden oo si xoog leh u canbaareysey qaraxii Mogadishu

Farxaan Maxamad Cabdullaahi oo ka faaloonaya qaraxii Mogadishu ka dhacey.
5:54 min

Wasiirka arrimaha dibadda dalkaan Sweden Margot Wallström ayaa aad u canbaareysey, walwal xoog lehna ka muujisey  qaraxii dadka badani ku dhinteen oo Mogadishu ka dhacey.

Qaraxaas ayaa waxaa ku dhintey dad 300 oo qof kor u dhaafaya, waxaana sidoo kale ku dhaawacmey dad aad iyo aad u farabadan.

Wasiirka arrimaha dibadda Sweden Margot Wallström oo ku sii jeeda shirka wasiirada arrimaha dibadda midowga Yurub maanta uga furmaya Luxemburg, ayaa tiri sidan:

- Dalkaas waxaanu islaheyn wuu ka soo kabanayaa dhibihii ka jirey, qaraxyada halkaas ka dhaceyna waa kuwo aad iyo aad looga argagaxo, dalkaasna dhulka ayey taasi la sii galeysaa. Waxaa nalookaga  baahan yahay in aan taageerno Somalia gargaarna u fidino si ay cageheeda isugu taagto, dalkayaguna wuu ka dhabeyn doonaa arrinkaas , ayey tiri wasiirka arrimaha dibadda Sweden Margot Wallström.

Farxaan Maxamad Cabdullaahi waa wiil soomaaliyeed oo dagan Sweden, wuxuuna wareysi kala yeelaney dhacdadii argagixiso oo sabtidii ka dhacdey magaala madaxda Soomaaliya ee Muqdishu.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".