Sture Nordh och kultur- och demokratiminister Alice Bah Kuhnke.Foto: Alexander Larsson Vierth/TT
Sture Nordh iyo wasiirka dhaqanka iyo demoquraadiyadda Alice Bah Kuhnke.Foto: Alexander Larsson Vierth/TT

Lacagihii daawashada TV-ga oo lagu badalayo canshuur toos ah

Wasiirka dhaqanka iyo dimoquraadiyada Sweden Alice Bah Kuhnke ayaa loo gudbiyey baaritaan la xiriira warfaafinta adeega guud "public service" oo gole arrinkaas loo xilsaarey u soo gudbiyey.

Golaha ayaa soo jeediyey in laga bilaabo sanadka soo socda qof kasta oo 18 jir dhaafey laga qaado canshuur ahaan lacag dhan 1308 karoon sanadkiiba, kharashka dhankaas ka soo baxana lagu maareeyo warfaafinta dalkaan ee adeega guud ah "public service".

Warfaafinta adeega guud ah "public service" ayaa ka kooban idaacadda Sweden , talefishinka SVT iyo waaxda waxbarashada iyo wacyigalinta bulshada ee magaceeda loo soo gaabiyo UR.

Habka golahaani soo jeediyey ayaa wuxuu badali doonaa lacagihii guri walba oo dalkan ah looga qaadi jirey daawashada iyo dhageysiga warfaafinta dalkaan ee adeega guud ah "public service".

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".