Ahmed Abdullahi Kaboole ayaa ka mid ah kuwa lacagta u ururinaya dadka Muqdisho.
Ahmed Abdullahi Kaboole ayaa ka mid ah kuwa lacagta u ururinaya dadka Muqdisho. sawir: Muna Ismaaciil/Sveriges Radio

Soomaalida Iswiidhan oo lacag u ururinaya dadka Muqdisho

2:17 min

Xalay ayaa magaalada Stockholm laga bilaabay lacag ururis si loo caawiyo dadka hadda ku dhibaateeysan Muqdishu.

Sidaas ayuu sheegay Ahmed Abdullahi Kaboole oo ka mid ah 20 qof ee la saaray hawsha in ay ururiyaan lacag gaadhaysa 200.000 oo koroon inta aan la gaadhin sideeda fiidnimo caawa.

Aad ayey ii taabatay dhacdadaas, qarabadeeyda dhinaca hooyo todoba qof ayaa u dhintay falkaas.

Falkii argagaxiso ee sabtidii ka dhacay magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya halkey tiro dhaafsiisan 300 qofi ku dhinten islamarkaas na ay boqolaal qofi ku dhaawacmeen ayaa si xun u tabtay soomaalida Iswiidhan ku nool.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".