Sveriges Mikael Lustig och  Victor Lindelöf jublar efter 5-0 under lördagens VM-kvalmatch Europa (grupp A)
ciyaar-yahannada Mikael Lustig iyo Victor Lindelöf oo ka mid ah xulka qaranka Sweden. sawir: Jessica Gow/TT

Xulka Sweden oo isreebreebka VM 2018-ka ku aadey Talyaaniga

Xulka qaranka kubadda cagta Sweden ayaa la ciyaari doona xulka qaranka Talyaaniga ciyaaraha isreebreebka koobka aduunka ee sanadka soo socda lagu qaban doono dalka Ruushka.

Xulka dalkan Sweden ayaa ka mid ahaa siddeed kooxood oo qaaradda yurub  isreebreebkii loogu tartamayey ka qeybqaadashada koobka adduunka 2018 ka galey kaalinta labaad.

Siddeedaan kooxood oo laga rabo afar kooxood oo tartankaas caalamiga ah ee koobka adduunka u gudubta ayaa maanta loo qori tuurey waxayna isugu aadeen sidan:

- Xulka qaranka Iswiidhan oo ku aadey Xulka qaranka Talyaaniga.

- Xulka Denmark oo ku aadey xulka qaranka Republic of Irland.

- Xulka Croatia oo iyana ku aadey xulka qaranka Giriiga.

- Xulka Switzerland ayaa wuxuu isna ku aadey xulka North Irland.

Afarta kooxood ee ciyaarahaas ku badisa ayaa waxay u gudbi doonaan ka qeybqaadashada tartanka koobka adduunka 2018-ka kaas oo lagu qaban doono dalka Ruushka.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista