Boqolkii ba 70 boolisyada dalkan ayaa dareensan in ay hanjabaadii ku soo korodhay.
Ciidamo boolis ah. sawir: Jonas Ekströmer/TT

Saldhiga booliiska Helsingborg ayaa walxa qarxa lagu qarxiyey

Weli lama xaqiijin ciddi ka dembeeysay
1:24 min

Albaabka hore ee laga galo saldhiga booliiska magaalada Helsingborg ayaa la qarxiyey, dhaawac xoog leh ayaa dhismahaas soo gaarey balse cidna wax kuma noqon.

Gunnar Appelgren oo ah dembibaadhaha booliska ayaa sheegay in dhacdodani caadi ahin in goobta booliska sidan oo kale loo qarxiyo, in kasta oo ay hore u dhacday. Waakan Gunnar Appelgren isaga oo saaka laga wareeystay barnaamijka P1 morgon.

Weli lama xaqiijin qofkii amba dadkii ka dambeeyay qaraxan, hasayeeshe ayuu sheegay Appelgren in ay caqli gal noqon karto in qaar ka mid ah kooxaha dembilayaasha boolisku hadda sida gaarka ah u baadhayo sameeyeen arrinkan. Hadii ay sidaas tahay wexeey tusaysa in boolisku ku guuleeysteen ka hor taga kooxahan iyo in dembiilayaashu cadho awgeed u weerareen goobta booliska, ayuu sheegay dembibaadhaha booliska Gunnar Appelgren.

Wasiirka caddaaladda iyo arrimaha gudaha dalkan Iswiidhan Morgan Johansson ayaa weerarkan u arka mid khatar ku ah caddaaladda iyo qeeynuunada u waddanku ku dhisanyahay. Sido kale in ay muhiim tahay in sida ugu dhakhsada badan loo qabto ciddii ka dambeeysay qaraxan. Waa sida ay ku qorantahay farriinta uu u soo diray wakaalada wararka ee TT.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".