Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Khataraha qaliinka oo lagu yareyn karo isticmaalka ”santuuqa madow”

La daabacay onsdag 18 oktober 2017 kl 14.03
Sweden oo qaliinada u adeegsan doonta qalab u dhigm santuukha madow.
2:07 min
Khataraha qaliinka oo lagu yareyn karo isticmaalka ”santuuqa madow”.
Khataraha qaliinka oo lagu yareyn karo isticmaalka ”santuuqa madow”. sawir: JACK MIKRUT

Si loo kordhiyo daryeelka bukaan socodyada dalkan lagu qalo iyo guud ahaan daryelka caafimaadka ayaa waxaa dalkaan markii ugu horeysey laga hirgalinayaa hab cusub oo qaliimada hab casri ah loogu diiwaangaliyo.

Habkaan cusub ayaa waxaa horey looga hirgaliyey dalka Kanada taas oo natiijooyin fiican dhalisey.

Professor Teodor Grantcharov  oo ka hawlgala jaamacadda Toronto ee dalka Kanada ayaa isagoo arrinkaas ka hadlaya wuxuu yiri sidan soo socota:

- Habkaan cusub oo ah mid qiimihiisu jaban yahay ayaa waxaa boqolkiiba 50 lagu yareyn karaa khaladaadka farsamo ee  dhaca markii qof qaliin lagu sameynayo, intaanaan farsamadaan adeegsan waxay shaqaaluhu ka cabsi qabeen in qalabkaani yahay mid shaqaalaha lagu waardiyeynayo balse taasi gabi ahaanba meesha wey ka baxdey markii qalabkaan faa’iidadiisa la ogaadey, ayuu yiri Professor Teodor Grantcharov  oo ka hawlgala jaamacadda Toronto ee dalka Kanada.

Qalabkaan cusub ee la rabo in la adeegsado markii qof la qalayo ayaa la mid ah ama u dhigma santuukha madow ee diyaaradaha lagu xiro si haddii ay diyaaraddaasi dhacdo looga ogaado sababtii dhabta aheyd ee ay farsamo ahaan diyaaraddaasi u dhacdey.

Qalabkaan cusub ee la isticmaali doono xilliyada qaliinka lagu jiro, ayaa  wuxuu duubayaa cod iyo sawirba wax kasta oo ku saabsan qofkaas la qalayo jirkiisa.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".