Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Dawladda dalkan Iswiidhan ayaa dhowaan go´aamisay in ay ciidamada Iswiidhishka ahi sii joogi doonaan Iraaq.
Dawladda dalkan Iswiidhan ayaa dhowaan go´aamisay in ay ciidamada Iswiidhishka ahi sii joogi doonaan Iraaq. sawir: AHMAD AL-RUBAYE
Dhegeeyso
1:05 min

Iswiidhan oo sii wadi doonta tabobarka ciidamada Kurdiga ah

La daabacay torsdag 19 oktober 2017 kl 10.33

Dawladda dalkan Iswiidhan ayaa dhowaan go´aamisay in ay ciidamada Iswiidhishka ahi sii joogi doonaan Iraaq.

Taas ayaa ka dhigan in ay sii wadi doonan isla hawshii ay hore u hayeen taas oo aheyd in ay tababaraan ciidamada Peshmerga ee uu leeyahay maamul goboleedka Kurdiga reer Ciraaq.

Tabobarkaas ka sokow ciidamada dalkaan Iswiidhan ayaa sidoo kale qeyb ka geysanaya arrimaha caafimaadka la xidhiidha.

Sababta ay Iswiidhan ciidamadan. oo tirodoodu tahay 70 ayaa ah laba arrimood. In ciidamada kurdiga ah tabobaraan in ay is difaacaan iyo in laga hor tago ururka argagaxisada ah ee Daacesh loo yaqaano.

Hasayeeshe ayuu go´aankani sugaya in la marsiyo barlamaanka dalkan ee Riksdagen. Annika Söder oo ah, agaasimmaha guud ee wasaaradda arrimmaha dibadda Iswiidhan ayaa sheegtay in ay muhiim tahay in laga hor tago dhibaatooyinka ay ururka argagaxisada  ah ee Daacesh ku hayso Suuriya iyo Iraaq.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".