L´aanta Ekot ayaa 80 jitsatay. Dhismaha Idaacada Raadiyaha Iswiidhan ee magaalada Stockholm.
L´aanta Ekot ayaa 80 jitsatay. Dhismaha Idaacada Raadiyaha Iswiidhan ee magaalada Stockholm.

Ekot oo 80 jirsatey iyo xaflad dadweyha oo dhan u furan

Maanta oo ey bisha oktoobar tahay 19 ayey waaxda wararka idaacadda Sweden ee Ekot  80 sano jirsatey.

Idaacadda Sweden iyo waaxdeeda wararka ee Ekot ayaa si wadajir ah maanta xarunta guud ee idaacadda Sweden ugu qaban doona kulano dadweynaha oo dhan u furan.

Kulamadaas ayaa wariyayaal caan ahi waxay uga hadli doonaan kalsoonida ay dadweynuhu ku qabaan warfaafinta, waxaana kulankaas idaacadda Sweden looga tabin doonaa si toos ah.

Kulankaas inta lagu gudajiro ayaa dadweynaha ka soo qeyb qaata waxaa loo qeybin doonaa macmacaano iyo cabitaan sidoo kalana waxay la kulmi doonaan shaqaalaha ka hawlgala waaxda wararka idaacadda Sweden ee Ekot.

Xafladdaan ayaa waxay bilaaban doontaa saacaddu marka ay tahay 14 duhurnimo waxayna socon doontaa ilaa iyo 18 galabnimo marka ay saacaddu tahay.

Xafladdaan oo ka dhici doonta hoolka laga soo galo dhismaha guud ee idaacadda Sweden ayaa dadka raba in ey ka soo qeybgalaan waxaa u furan su’aalaha ay shaqaalaha waaxdaas weydiinayaan iyo sidoo kale ka qeyb qaadashada doodaha kala duwan ee halkaas ka dhici doona.

Waaxda wararka idaacadda Sweden ee Ekot ayaa waxaa la aasaasey sanadkii 1937-dii, xilligaas oo hadda laga joogo muddo siddeetan sano ah.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista