20-jirkii loo heystey gubida masjidka Örebro oo maskaxda wax ka qaba

Golaha qaranka dalkan u qaabilsan u kuurgalka xaalka caafimaad ee sharci ayaa warbixin ay soo saareen ku sheegey in 20 jirkii lagu soo eedeeyey in uu gubey masaajidka Örebro uu qabo xanuuno cudurada maskaxda ah.

Ciidamada amniga ayaa gubitaanka masjidkaas waxay 29-kii bishii september ee la soo dhaafey u qabteen nin 20 jir ah oo lagu tuhmey in uu masaajidka Örebro si kas ah dab u qabadsiiyey.

Masaajidka Örebro ayaa dab la qabadsiiyey 26-kii bishii september ee la soo dhaafey taas oo sababtey in gabi ahaanba masaajidkaasi gubto.

Dad ka agdhawaa masaajidka degmada Örebro lagu gubey ayaa sheegey in qofka masaajidka dabka qabadsiiyey uu ahaa nin aad u dheer oo ka hor  intii uusan masaajidka dabka qabadsiin handadaad af ah kula kacey waardiyihii masaajidkaas oo isagu xilligaas masaajidka gudihiisa ku sugnaa.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".