Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Machadka SiS ayaa ka mid ah hey’ado kala duwan oo ey dawladda dalkaani u xilsaartey in ay u hawshan sameeyaan.
Machadka SiS ayaa ka mid ah hey’ado kala duwan oo ey dawladda dalkaani u xilsaartey in ay u hawshan sameeyaan. sawir: Ann-Sofi Rosenkvist/SiS

Shaqaalaha rugaha dhallaanka lagu hayo iyo ka hortagga mintidnimada

1:42 min

Shaqaalaha ka hawlgla guryaha dawladdu gacanta ku heyso ee dhallaanka lagu hayo ayaa loo tababari doonaa siyaabaha xagjirka dagaalka iyo gacan ka hadalka aaminsan looga hortago.

Sari Römpötti oo ah isku dubaridaha mashruucaan u qaabilsan machadka hawshaan filinaya oo magaciisa loo soo gaabiyo SiS ayaa sheegtey in fursad weyn oo mintidnimada looga hortagi karo ay ka jirto guryaha dhallaanka lagu hayo maadaama shaqaalaha guryahaas ka hawlgalaa habeen iyo maalinba dhallaankaas la joogaan:

-Maadaama dhallaankaas ey shaqaaluhu habeen iyo maalinba la joogaan, fursad ayaa jirta ah in dhallaankaas saameyn lagu yeesho  la xiriira sidii mintidnimada iyo xagjirnimada looga sii gaashaaman lahaa, ayey tiri Sari Römpötti.

Machadka SiS ayaa ka mid ah hey’ado kala duwan oo ey dawladda dalkaani u xilsaartey in ay u hawlgalaan sida iyo hababka looga hortagi karo mintidiinta gacan ka hadalka hubeysan aaminsan.

Warbino iyo baaritaano horey loo shaaciyey ayaa lagu muujiyey in rugaha iyo guryaha dhallaanka lagu hayo ey ku sugnan yihiin dhallaan caadifad u haya afkaaraha xagjirka garabka midig ah iyo waliba mintidiinta xagjirka muslimiinta ah ee dagaalka iyo gacan ka hadalka aaminsan.

Waxyaalaha lagu tababarayo shaqaalaha guryahaas dhallaanka lagu hayo ka hawlgala ayaa waxaa ka mid ah calaamadaha iyo sifooyinka lagu garan karo qofka caadifadda u haya ururada xagjirka ah iyo habka ugu fiican ee ay shaqaaluhu arrinkaas u maareyn karaan.

Dawladda dalkan ayaa iyaduna dhankeeda waxay ku tala jirta sida ugu haboon ee ey wada shaqeyn iyo iskaashi  ula yeelan karto imaamada masaajidyada iyo baadariyaasha kaniisadaha ka hawlgala.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".