Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Wasiirada arrimaha dibada dalkan Sweden ee Margot Wallström.
Wasiirada arrimaha dibada dalkan Sweden ee Margot Wallström. sawir: Pontus Lundahl/TT

Cilmi baare Ahmadreza Djalali oo dalka Iran dil lagu xukumey

Iiraan oo dil ku xukuntey cilmi baare Ahmedreza Djalali oo ka hawlgala KI.
2:31 min

Ahmadreza Djalali oo ah cilmi baare ka tirsan cilmi baarayaasha ka hawlgala machadka Krolinska ( KI ) ayaa lagu xukumey dil dalka Iraan. Ninkan ayaa dalkaas ku xirnaa laga soo bilaabi ilaa iyo bishii april ee sanadkii hore.

Xaaska uu qabo Ahmadreza Djalali ayaa warkaas u sheegtey waaxda wararka idaacadda Sweden ee Ekot. Ahmadreza Djalali ayaa sanadkii hore isagoo booqasho Iraan ku jooga waxaa lagu eedeeyey basaasnimo amba jaasuusnimo.

Wasaaradda arrimaha dibadda Sweden ayaan wali ku guuleysan in ay si rasmi ah u caddeyso xaiiqda ka jirta dilka lagu xukumey ninkaan Iiraaniga ah ee Ahmadreza Djalali laakiin wasaaradda ayaa dhanka kale sheegtey in ilaa hadda aysan jirin warar arrinkaas beeninaya.

Patric Nilsson waa u qeybsanaha wasaaradda arrimaha dibadda dhanka warfaafinta:

-Dabcan waxaanu isku dayeynaa in aanu warar rasmi ah oo arrinkaas xaqiijinaya ka helno dawladda Iiraan, laakiin xaalku wuxuu ilaa hadda u muuqdaa in warkaasi dhab yahay, waxaanuna sii wadi doonaa  in aanu xiriiro is daba joog ah arrinkaas kala sameyno dalka Iiraan, ayuu yiri Patric Nilsson oo wasaaradda arrimaha dibadda Sweden u qaabilsan dhanka warfaafinta.

 Patric Nilsson ayaa intaas ku darey in dawladda Iiraan aysan dal ahaan aqoonsaneyn in qof dalkeeda u dhashey uu  heysto laba dal oo kala duwan dhalashadooda, waxayna arrinkaan u aragtaa mid dalkeeda gudihiisa kaliya khuseeya isla markaana ninkaasi yahay muwaadin dalkeeda u dhashey. Sweden ayaa iyana dhankeeda u aragta in ey caawiso qof kasta oo  heysto waraaqaha daganaashaha dalkaan Sweden isla markaasna dalkaan Sweden daganaa , waana taas tan aanu hawshaas ugu istaagney, ayuu yiri  Patric Nilsson.

Wasiirka arrimaha dibadda dalkaan Sweden Margot Wallström ayaa iyana dhankeeda si arrinka cilmi baarahaas dilka lagu xukumey  ay wax uga qabato, rabta in diblomaasiyadda Sweden ay heerkii ugu darajada sareeyey u dardargaliso.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".