Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Det brinner i en industrilokal. Giftig rök sprider sig österut mot Giraffens köpcentrum. Alla som befinner sig i området bör bege sig därifrån. Boende i området uppmanas att gå inomhus och stänga dörrar, fönster och ventilation. För mer information lyssna på Sveriges Radio P4 Kalmar.
(Publicerat idag kl 17.16)

Sweden : Mudaharaadyo faraxumeynta looga soo horjeedo

La daabacay måndag 23 oktober 2017 kl 10.51
Mudaharaadyo looga soo horjeedo faraxumeynta oo Sweden ka dhacey.
(2:26 min)
Dumar badan oo dunida ku nooli ayaa tooshka ku ifiyay faraxumeyn lagula kacey.
Dumar badan oo dunida ku nooli ayaa tooshka ku ifiyay faraxumeyn lagula kacey. sawir: Fredrik Sandberg/TT

Maalintii axadda ayaa gooba kala duwan oo Sweden ka mid ah waxaa ka dhacey mudaharaadyo looga soo horjeedo faraxumeynta iyo xadgudubyada dumarka lagula kaco.

Mudaharaadyadaan ayaa yimid ka dib markii baryahaanba uu aaladaha isgaarsiinta bulshada ka aloosnaa hal ku dhag la magacbaxay #metoo oo dumar badan oo dunida ku nooli tooshka ugu ifiyeen faraxumeyn kala duwan oo lagula kacey.

Wasiirka sinaanta Sweden Åsa Regnér ayaa khudbad ey ka jeedisey barxadda weyn ee Sergels torg, Stockholm, waxay ku balan qaadey in sharci cusub oo dhibkaas looga hortago ey dhawaan soo jeedin doonaan, qeybaha kala duwan ee suuqa shaqadana kala hadli doonaan sidii looga hortagi lahaa farxumeynta galmo ee dumarka ka heysta goobaha shaqada.

Wasiirka sinanta Sweden Åsa Regnér ayaa tiri sidan:

- Arrintaani waa mid aad muhiim u ah waana sababta keentey in haweenku u hawlgalaan ka hortagga arrinkaan, waana ku faraxsanahey hawshaas waxayna naga taageereysaa dhanka sinaanta dalkaan iyo waliba in aanu soo bandhigno sharciyo cusub oo looga hortagayo faraxumeynta dumarka iyo guud ahaanba kufsiga.

Xohayaha guud ee ururka qareenada Sweden Anne Ramberg ayaa xustey ahamiyadda uu arrinkaani leeyahay balse ka digtey in lagu dhaco qaladaad aan laga fiirsan, waxayna tiri sidan:

- Wasiiradda waan la qabaa ahamiyadda uu arrinkaani leeyahay balse hadana waxaa qabaa in aynu taxadar xoog leh muujino si aynaan ugu dhicin qaladaad xoog leh, doodihii iyo waxyaalihii ololahaan dhexdiisa lagu daabacey qaarkood waxaa ka imaan kara su’aalo badan oo ey muhiim tahay in la isweydiiyo, ayey tiri xohayaha guud ee ururka qareenada Sweden Anne Ramberg.

Isu soo baxyadaan ayaa ka dhacey magaalooyin kala duwan oo ka tirsan dalkaan Sweden.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".