Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Ururkani wuxaa uu raad la leeyahay urur dalka Mareykanka ka jira oo lagu magacaabo "Alt-right".
Ururkani wuxaa uu raad la leeyahay urur dalka Mareykanka ka jira oo lagu magacaabo "Alt-right". sawir: Brian Blanco
Dhegeeyso
(3:04 min)

Urur cusub oo raba in uu mideeyo mintidiinta garabka midig

La daabacay onsdag 25 oktober 2017 kl 09.26

Urur cusub oo xagjir ah looguna yeero ururka garabka midig ee badiilka u ah Nordiga (Nordisk alternativhöger) ayaa dad taageerayaal cusub u noqda wuxuu ka qoranayaa dalkaan Sweden gudihiisa kuwaas oo dadka ku beerdulucsanaya sida ey qaxootiga dalkan jooga uga soo horjeedaan.

Waaxda wararka idaacadda Sweden ee Ekot ayaa baaritaan qota dheer oo ey ururkaas ku sameysey ku ogaatey in ururkaasi uu wadashaqeyn joogta ah la leeyahay ururo Naziyiin ah iyo kooxo kale oo ah mintidiinta aaminsan awoodda iyo sareynta dadyowga midabka caddaankaa leh.

Ururkaan cusub ee la magacbaxay ururka garabka midig ee badiilka u ah Nordiga (Nordisk alternativhöger) ayaa waxaa hogaamiye u ah Christoffer Dulny:

- Waqti dheer uma heyno in aanu ku sii lumino waxyaalihii shacabka horey u kala qeybshey. Sweden waa dal ey dadka Iswiidhishku leeyihiin, lahaana doonaan. Dadka Iswiidhishka ahina waa dad caddaan ah ayuu yiri Christoffer Dulny.

Fikirkaas ayaa ah afkaarta ey xagjirka garabka middig aaminsan yihiin oo ururkaan cusubi uu rabo in uu mar labaad soo nooleeyo.

Ururka garabka midig ee badiilka u ah Nordigu (Nordisk alternativhöger) wuxuu ka mid yahay ururo xagjir garabka midig ah oo asal ahaan raad la leh urur dalka Mareykanka ka jira oo lagu magacaabo "Alt-right".

Dalka Mareykanka ayaa ururo xagjir ahi waxay aad u soo kebceen xilligii doorashada madaxtinimada dalkaas lagu jirey, kuwaas oo door weyn ka soo qaatey doorashadii madaxtinimada ee dalkaas loogu doortey madaxweyne Donald Trump.

Christoffer Dulny ayaa raba in ururkiisu raad midkaas la mid ah uu ku yeesho dalkaan Sweden, wuxuuna yiri sidan:

- Dabcan, hadafka iyo ujeedkayagu waa kaas balse waan arki doonaa sida xaalku uu noqdo, ayuu yiri Christoffer Dulny.

Ururkaan xagjirka ah ayaa dad cusub Sweden ka qortey iyagoo badanaa adeegsanaya aaladaha isgaarsiinta bulshada, waxayna fariintoodu si joogta ah maanta u gaartaa dad kumanyaal ah iyagoo adeegsanaya sawir gacmeedyo iyo kaftan naceyb uu ka buuxo oo lagu muujinayo sareynta dadka midabka cad leh.

Kristoffer Holt oo ah baare dhanka warfaafinta ah ayaa sheegey in ujeedada ururka garabka midig ee badiilka u ah Nordigu (Nordisk alternativhöger) ey tahay oo kaliya sidii uu u mideyn lahaa ururada kala duwan ee xagjirka garabka midig ah :

-Ujeedada Ururka garabka midig ee badiilka u ah Nordigu (Nordisk alternativhöger) waa sidii uu dalad mideysa ugu sameyn lahaa ururada kala duwan ee xagjirka garabka middig ah. Ururkaani wax fikir ah oo cusub ma xanbaarsana balse waa dhaqdhaqaaq mucaarad ah oo raba in uu ururadaas xagjirka ah hadafkooda mideeyo si ey ujeedadooda u wada gaaraan, ayuu yiri Kristoffer Holt.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".