Heeyada socdaalka ee Migrationsverket.
Heeyada socdaalka ee Migrationsverket. sawir: Marcus Ericsson/TT

Tirada dalkan sharci ka dalbata oo hoos u degi doonta

1:13 min

Tirada qof ee dalkan Iswiidhan la filayo in ay sharci u soo raadsadaan sannadkan ayaa hoos loo dejiyay 23.500 qof keliya, waa sida ay qiyaasta cusub ee heeyada socdaalku sheegayso.

Sannadka dambe ayey heeyadan filaysa in ay 24.000 qof sharci ka codsadaan dalkan.

Qiyaastan cusub ayaa ka yar tii la soo bandhigay bishii luulyo sannadkan. Waagaas ayaa la filayay in ay 1500 oo dheeraad ah Iswiidhan sharci u soo raadsan lahaayeen sannadkan.

Sido kale sannadka dambe ayey heeyadani hoos u dhigtay inta qof ay filayaan in ay dalkan sharci ka codsan doonaan, 3000 oo qof.

Dhanka kale ayey heeyadani ballan u qaaday in caruuraha kelinimada ku yimid dalkan ee sharciga dalbaday intii u dhaxeeysay 2015 ilaa 2016 go´aanadoodi la siiyo sannadkan gudahis.

Ballantaan ayaa laga yaaba in aaney ka soo baxin, waa sida warbixinta cusubi muujinayso. Ugu yaraan 2000 kiis oo ka mid ah 17.000 ee miiska heeyadan saaran ayaa go´aanadooda sannadka dambe dib loogu dhigi karaa.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".