Xafiiska shaqada ee Arbetsförmedlingen.
Xafiiska shaqada ee Arbetsförmedlingen. sawir: Emma-Sofia Olsson/SvD/TT

Talooyin xun xun oo dadka Sweden ku shaqada la’ la siiyo

Xafiiska shaqada oo talooyin xun xun siiya dadka dalkaan ku shaqa la'.
2:41 min

Xafiiska shaqada dalkan Sweden ayaa lagu dhaleeceeyey in ay talooyin xun xun dadka shaqa doonka ah ka siiyaan dhinacyada shaqada iyo waxbarashada labadaba.

Si arrinkaas xal loogu helo ayaa la soo jeediyey fikir cusub oo la xiriira in xarun digitaal ah oo dadkaas shaqa doonka ah hagta la sameeyo taas oo dhaba tus u noqota dhammaan arrimaha shuuqa shaqada la xiriira .

Cecilia Fahlberg waa baaraha ey dawladda dalkaani arrinkaas u xilsaartey:

-Waxyaala badan oo qaldan ayaa maanta jira oo la xiriira markii qofku suuqa shaqa soo galayo, sidii qofku shaqadiisa u xafidan lahaa iyo waliba sidii uu mar labaad suuqa shaqa la’aanta dib ugu soo noqon lahaa. Waxaanu qabnaa in aad loo dayacey oo aan mudnaanta koowaad sanooyin badan la siin dhanka talabixinta, ayey tiri Cecilia Fahlberg.

Baaritaankaan suuqa shaqada la xiriira oo maanta nuqul ka mid ah dawladda dalkaan loo gudbin doono ayaa lagu muujiyey in badanaa dadka shaqa la’aanta dalkaan Sweden ku ahi eysan laheyn waxbarashooyinka imminka looga baahan yahay suuqa shaqada dalkan.

Cecilia Fahlberg iyo mar kale:

-Xarunta digitaalka ah ee aanu soo jeediney waxay kulmin doontaa  wararka la xiriira baahiyada shaqo ee suuqa looga baahan yahay iyo waliba waxbarashooyinka dhankaas ku haboon, isla markaasna waxaa goobtaas talooyin iyo caawin lagu siinayaa dadkaas shaqa doonka ah, waana goob eysan talooyinkeedu ku koobneyn oo kaliya dhallinyarada ee da’ walba oo shaqa doon u furan, ayey tiri Cecilia Fahlberg.

Cecilia Fahlberg ayaa intaas ku dartey in dalkaan Sweden ey imminka ka jiraan laba hab oo isbarbar yaac ah kuwaas oo suuqa shaqada la xiriira. Kan koowaad waa kan ey wado hey’adda xafiiska shaqada oo dawladda dhexe ee dalkaan hoos yimaada iyo kan labaad oo ah degmooyinka dalkaan oo iyagu dadka shaqa la’aanta ah iska fogeynaya maadaama ey  dadkaas uga baxayaan lacagaha ceyrta ah ee ey dadkaasi degmooyinka kala duwan ka qaataan, si marka is  barbaryaacaas xal loogu helo waa in mas’uuliyadda arrinkaas si cad loo qeexaa, ayey tiri Cecilia Fahlberg.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".